Hal-xidhaalaha iyo Suugaantu waa laba howraarrood oo isku sidkama, waxaana gabyaagu ku kala qaadi jiray Koobka horyaalka suugaanta.
Inta badan gabyaagu marka uu ku kala bixi waayo Maansooyinka tooska ah ayaa loo leexan jiray xagga hal-xidhaalaha, halkaasoo inta badan lagu kala hadhi jiray, waxaana garsoor ka noqon jiray dhegeysteyaasha Bulshada oo ahaa fagaaraha hirdanka iyo kala helida guusha ka garsoori jiray.
Gabayaagii inta la hal-xidhaaleeyo furi waaya wuxuu mudan jiray quudhsiga bulshada, kii hal-xidhaalahaa lahaana wuxuu u muuqan jiray nin libaystay oo guuxa ragga iyo mashxarada dumarkaba mudan oo loo aloosi jiray. Laga yaabe hal-xidhaaluhu waayadii horre in uu ku ekaa amaba looga dan lahaa qiimaynta xawliga garasho ee qofka loo jeedinayey. Hayeeshee, qaybaha maansada kolkuu ka mid noqday waxaa gadaalkii ul iyo diirkeed ama dun iyo lifaaqeed laga dhigay laba awoodood oo kala duwan. Waa awooda tirinta maansada iyo awooda furidda hal-xidhaalaha.
Malaha waxaa la qiyaasayey hal-abuurku dadka intiisa kale in uu ka duwan yahay kuna tilmaaman yahay dareen soofaysan iyo degdeg wax u garasho heerkeedu sareeyo oo aan laga wada sinayn inta badanna lala wadaagin.
Seyid Maxamed oo ahaa hogaamiyihii halgankii Daraawiishta iyo gabayaagii la odhan jiray Gooni Cabdi Xaaji oo la rumaysan yahay in uu ahaa geeraarshe ka soo jeeday Gobolka Mudug, kana tirsanaa dadkii Hobyo looga talinayey halgankaa iyo Seyidkana kasoo horjeeday ayaa waxaa dhexmaray colaad maanso oo aakhirkii hal-xidhaale isu rogtay.
Gulufka maanso ee labada Abwaan dhex martay waxa saldhig u ahaa collaadii siyaasadeed ee u dhaxaysay Sayidka iyo intii jihaadkiisa ku gacan saydhay ee uu Gooni ka mid ahaa, iyadoo sida boggaga Taariikhda ugu suntana Sayidku ahaa Nin inta badan bulshada kula hadla suugaan.
Wakhti labada Abwaan kala aragti ahaayeen, isuguna muuqdeen kuwo mid waliba tiisa ku saxsan yahay, ayaa Gooni Cabdi Xaaji wuxuu tiriyey gabay dheer oo hal-xidhaale ah kana koobnaa 16 qodob oo ku wada dhamaada “waa cajabee sheega?”.
Sayidku markuu tixdaa helay mid mid ayuu u furay hal-xidhaalihii ku jiray isagoo waliba cambaarayn iyo ceebayn ku socda Gooni ku ladhaya jawaab kasta.
Haddaba 16kii qodob wada sheegistoodu way inagu dheeraanaysaaye, waxaan akhristeyaal idinla wadaagi doonaa saddex qodob oo kamida Gabaygii Gooni iyo jawaabihii uu ku furay Sayid Maxamed Cabdile Xasan.
Wuxuu yidhi Gooni:
Rag cayaayir iyo maanso waa camaladiisiiye
Caynaanka anigaa u haya iyo celiyaheediiye
Kol haddaan calaqo looma furo cagaha dheeldheele
Lix iyo tobon hal oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho
Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaarshay
Oo ciidda loo dhigay afkii laga cashaynaayey
Oo dhayi caaddaa ka tahay waa cajab ee sheega?
Ceesaamo kuu dhalay riyo aan dhiilo loo culanin
Oon dhay casuus leh iyo gadhoodh caraf leh waayeynin
oo Aan naaso cayntood lahayd waa cajab ee sheega?
Cir onkaday hilaac laga cabsaday karadh cabaadaysa
Oon rays cidhbaha laga dhigayn waa cajab ee sheega?
Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo sida lagu xasuusan ogyahay qarnigiisii ragga aan lagaga daba-dhufan tixda kamid ahaa, ayaa isagoo furaya Hal-xidhaalaha Gooni, wuxuu yidhi:
Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaarshay
Oo ciida loo dhigay afkii laga cashaynaayey
Oo dhayi caadaa ka tahay waa cajab Ilaahe
Cid hadaad u baantee na tidhi cara e yaa sheega
Candho weeye oo waa aqaan caynka ay tahaye
Adse hadaad ciniin tahay maxaa canugu kaa dheefi?
Ceesaamo kuu dhalay riyo aan dhiilo loo culanin
Oon dhay casuus leh iyo gadhoodh caraf leh waayeynin
oo Aan naaso cayntood lahayd waa cod aan jirine
Caynkaa waxaad mooday waa calafkii beereed e
War ceesaan miyaad tahay maxaa calaga kaa yeelay?
Onkad iyo hilaac laga cabsado karar cabaadaysa
Oon rays cidhbaha laga dhigayn waa cajab Ilaahe
Isagaa calaamo iyo lahaa ciiro iyo qiiqe
Waa maarahaan kugu cuskaday dirirtii Cowbaare
Dhiigii carada qooyey waa cadar di’iisiiye
Maxaadse u tidhi rays cagtiyo cidhibta maan saarin?!
Sayid Maxamed markii uu halkaas ku arooriyey ibo-furkii hal-xidhaalaha Gooni Xaaji, kama hadhin waxa uu isna tiriyey tix hal-xidhaale ah oo uu dhextaal uga dhigay “cara ee yaa sheega” kana kooban dhowr iyo toban qodob iyaduna, taasoo iyadana Gooni furay.
Waxaana Tixda Sayid Maxamed ka mid ahaa shantan qodob oo aynu ka soo qaadanayno wuxuu ku yidhi.
Nimanyahow ciraab laguma kaco curuf la’aaneed e
Cod xidhaal ah oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho
Wax cad oo madow baan arkee car ee yaa sheega?
Waxa dunida caaqil u ah oon ciddi khilaafaynin
Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo
Aan calalna oogada ka qabin car ee yaa sheega?
Wax calaha ka dheer baa jiroon ciddi ka gaabnayne
Cidhib dhiibsi kuma gaadhi karo cududaheenaase
Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega?
Cawadii waxaan kaa tagayn cadowna kaa eegin
Oo waaga kaa caraaya oo ku cid la’aynaaya
Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega?
Wax caanataynka iyo ka fudud caaradiyo baalka
Culaysna loogu go’ay oo nafluhu caajis ka ahaaday
Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega?
Shantasi qodob jawaabihii uu Gooni ka bixiyey waxay ahaayeen:
Anagaan ciraab li’i ku kicin curuf la’aaneede
Cod xidhaal ah oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho
Wax cad oo madow sow indhaha ina caroow ma aha
Waxa dunida caadil u ah oon ciddi khilaafaynin
Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo
Aan calalna oogada ka qabin waa cajab Ilaahe
Cunno weeye oo waa aqaan caynka ay tahayee
Caradhoonku waa waxaad kurtiin calalinaysaane
Maxaad iga cimrayn saa anaa kaa ciraab badane
Wax calaha ka dheer baa jiroon ciddi ka gaabnayne
Cidhib dhiibsi kuma gaadhi karo cududaheenaase
Caqli nin aan lahayn haatan waa la cajabaayaaye
Ma adaan caraabada gudmada ceelasha u qaadin
Cawadii waxaan kaa tagayn cadowna kaa eegin
Oo waaga kaa caraaya oo ku cid la’aynaaya
Caqli nin aan lahayn haatan waa la cajabaayaaye
Cudaarkiyo xidkaha kale miyuu calagu noo sheegi
Wax caanataynka iyo ka fudud caaradiyo baalka
Culaysna loogu go’ay oo nafluhu caajis ka ahaaday
Caqli nin aan lahayn haatan waa la cajabaayaaye
Camcamada nafta iyo waa danbiga laysku caajimaye
Nin cadaab ka baqayaa ma falo camalka qaarkiise
Cowdiyo bilee Eebe maa laga cabsoonaado.
Nin la odhan jiray Aw-Axmed Diini, ayaa isaguna tiriyey tixdan soo socota ee Hal-xidhaala ah, isagoo ku xujjaynaya Nin la odhan jiray Maxamuud oo isaga guluf suugaanneed ka dhexeeyey, waxaanu yidhi:
Shan kun oo nin oo wada shaxdoo shir iyo ceel joogta
Oo wada sharaaka ah haday naftu shaqaynayso
Asaan shaado xoollo ah lahayn wadana shoobaysa
Aan shabaabka iyo sheekha iyo sheybku kala soocmin
Wadana shiil modow ah aan casaan ciddi ku sheegaynin
Maxamuud hadaad shicir taqaan sheeg hadaad garato?
Ceesaamo wada shoob casoo lag iyo shii gaadhay
Oo sano shawaalkeed rimoo shahar ku uuroobay
Aan naaso shaygood la arag wadana sheemaysan
Oo uunku wada shaabacdoo dharag ku sheebaystay
Maxamuud hadaad shicir taqaan sheeg hadaad garato?
Nasiib darro, lama hayo, mana ogin in ay jiraan iyo in kale jawaabo uu Maxamuud ka bixiyey labadaa tuduc, waxaase mudan in loo fiirsado fikrada meesha ku jirta ee ah gabayaanimada Maxamuud iyo aayihiisa suugaameed in ay ku xidhan yihiin kolba siduu u garto jawaabtaa iyada ah ee furaheedu laabta Aw-Axmed Diini uu ku duugnaa.
Si kastaba ha ahaate, hal-xidhaallaha suugaanta Soomaalidu waa mid mar walba ku sidkan tirinta Maansada iyo geerraarka, hadba kii fagaaraha laysugu soo baxo.