Taiwan iyo Somaliland oo Ka Wadahadlay Arrimaha Labada Dal

0
452

Tapeil-(Dawan)- Wasiirka wasaaradda Gaadiidka, Isgaadhsiinta iyo Dalxiiska ee dalka Taywaan H.E. Dr Lin Chia-Lung. iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Amb Ali Yang ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Maxamed Xaaji Maxamuud

 

Danjire Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in Wasiirka ay si weyn uga wadahadaleen hawlo badan oo iskaashiga ganacsiga labada waddan khuseeya. Waxaanu Xussay in kulankaasi uu kusoo dhammaaday guul iskaashi oo dhexmarta waddamada Taywaan iyo Somaliland.

 

kulanka ayaa waxa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Amb Ali Yang. iyo saddexda Agaasime Guud ee Wasaaradda Gaadiidka, Isgaadhsiinta iyo Dalxiiska u qaabilsan kaabayaasha dhaqaalaha, dalxiiska, gaadiidka iyo duulimaadyada ee dalka Taywaan.

 

Leave a Reply