Kulan Ku Kor Loogu Qaadaayo Xaaladda Xoriyada Saxaafadda Somaliland oo Hargeysa lagu Qabtay

0
442

Hargeysa-(Dawan)-Komishanka xuquuqal iinshaanka qaranka Somaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa kulan aqoon is wadaysaarsi ah ugu qabtay saxaafadda, xeer ilaalinta iyo xubno ka tirsan ciidamada booliska.

Agaasimaha guud ee komihsnaka xuquuqal iinsaanka Somaliland Candisamad Sacad oo furitaanka kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in kulankaasi socon doono laba maal-mood, kaas oo lagu falanqayn doono xaaladda xoriyadda saxaafadda iyo xuquuqda aadanaha Somaliland, iyadoo xubnaha ka qayb-galayaa ay mudadaas kaga hadli doonaan shuruucda dalka ee ku saabsan xoriyadda saxaafadda iyo xeerarka caalamiga ah ee ka hadlay arrimaha xoriyadda saxaafadda.

Agaasime Cabdisamad waxa kale oo uu sheegay in kulankaas lagu soo qaadi doono xeerka saxaafadda ee horyaala golaha wakiiladda, kaas oo la filaayo in golaha wakiiladu ay go’aan ka gadhaan sannadkan soo socda 2021-ka, waxaanuu intaas ku daray in qodobada kulankaas la iskula qaato ay noqon doonaan mid hirgalintiisa ay komishanka xuquuqal iinsaanku ay ka shaqayn doonaan sidii loo fulin lahaa.

Xasan Axmed Aadan xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland, ayaa sheegay in kulankan ay komishanka xuquuqal iinsaanka qaranku qabteen uu yahay mid loo baahnaa, waxaanuu intaas ku daray in xoriyadda saxaafadda iyo ta xuquuqda aadanuhu ay soo martay maraaxil kala duwan, Somaliland-na ay ka mid tahay dalalka ugu fiican xagga xoriyadda saxaafadda.

Ugu dambayn gudoomiyaha komishanka xuquuqal iinsaanka Somaliland Maxamed Baaruud Cali ayaa xubnaha kulankaas aqoon is waydaarsiga ah ka qayb-galaaya u soo jeediyay inay ka faa’iidaystaan arrimaha kulanaas lagu lafo-guri doono mudada uu socdo, waxaanuu warbaahinta ku dhiirigaliyay inay inay iska hubiyaan wararka ay bulshada u gudbinayaan.

Leave a Reply