Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Masaajid laga Hirgeliyey Berbera

0
897

Hargeysa (Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa xadhiga ka jaray masaajid ay magaalada Berbera ka hirgalisay shirkadda Oomaar.

Munasibaddii xadhiga lagaga jarayay masaajiskaasi waxa ka qayb galay madaxda gobolka, ka degmada Berbera iyo culimo aw-diin, dhismaha masaajidkaas oo ay hirgelisay shirkadda Oomaar waxaa ugu horreyn halkaasi hadal ka jeediyay maamulaha guud shirkadaas Maxamed Cali Maxamuud oo uga mahadceliyay mulkiilaha shirkadda Oomaar maalgelinta uu ugu deeqay masaajidkaas, isaga oo tilmaamay inuu manfac u yeelan doono bulshada ku dhaqan degmada Berbera iyo guud ahaan gobolka Saaxil, isaga oo xusay in arday badani ka aflaxi doonto isla markaana illaahay ka baryay inuu alle ka abaalmariyo ganacsadahaas masaajidka dhisay.

Culimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Jimcaale Maxamed Xaashi, Sheekh Ismaaciil iyo maareeyihii hore ee dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-Xoor oo ka qayb galay munaasibaddaas ayaa iyaguna bogaadiyay masaajidkaas oo laga hirgeliyay xaafadda Fiilaan ee degmada Berbera, waxaanay u duceeyeen ganacsadaha gacanta ka geestay hirgelinta dhismaha masaajidkaasi.

Isku duwaha wasaaradda diinta iyo awqaafta ee gobolka Saaxil Axmed Maxamed Farraare iyo guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi, oo iyaguna goobtaas ka hadlay ayaa illaahay uga baryay adoonkaas inuu miisaanka xasanaadka ugu daro masaajidkaasi uu u hirgeliyay bulshada islaamka ah ee ku tukanaysa.

 

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo gebogebadii halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay dhiirigelinayaan dhismayaasha masaajidda oo uu sheegay in ay yihiin goobta ugu muhiimsan ee dadka islaamku ay ku kulmaan, ilaahayna ku caabudaan waxaanu dadka ku dhaqan xaafaddaasi iyo guud ahaan degmada Berbera ugu baaqay in masaajidka ay camiraan isla markaana ay ilaalilyaan nadaafaddiisa iyo jiritaankiisaba.

Leave a Reply