Dugsi Hoose Dhexe oo laga Hirgeliyey Degmada Masalaha Gorad ee Gobolka Todgdheer.

0
596

Burco (Dawan) Guddoomiyaha wasaaradda waxbarashada ee gobolka Togdheer ayaa dhagax dhigay dugsi hoose dhexe oo laga hirgelin doono degmada Masalaha Gorad ee ka tirsan gobolkaas.

Waxana dhagax dhigaas ku wehelinayey guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Saaxil iyo xoghayaha dawladda hoose ee degmada Burco, waxaana ugu horreyn halkaas ka hadlay guddoomiyaha degmada Masalaha Gorad Faarax Cali Yoonis, oo wasaaradda waxbarashada iyo xukuumaddaba uga mahadnaqay dhismaha dugsigaas, isaga oo intaas raaciyey in xukuumaddu ka dhabaysay ballanqaadkeedii ahaa in ay hirgelinayso dugsigaas.

Waxa kale, oo isna halkas ka hadlay guddomiyaha waxbarashada gobolka Togdheer Ibraahin Digaale Maxamed, oo tilmaamay in ay haboon tahay in layska kaashado hirgelinta dugsigaas si ubadka deegaankaasi u helaan waxbarasho, isaga oo intaas raaciyey ubadkaasi ay noqon doonaan kuwa horumariya deegaankaas marka ay waxbarataan.

Sidoo kale, waxa iyana halkaas ka hadlay guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Saaxil, Maxamuud Xasan Caynaashe iyo xoghayaha dawladda hoose ee degmada Burco Cismaan Maxamed Sheekh Cismaan Nuur, oo soo dhaweeyey dugsiga laga hirgelinayo degmada Masalaha Gorad isla marakaana bogaadiyey cid kasta oo gacan ka geysatay gaar ahaan mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Somaliland oo ay tilmaameen inay dedaal xooga gelisay sidii dugsigaas loo hirgelin lahaa.

Leave a Reply