Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Talaagadaha Biyaha Gaadhsiisay Masaajiddada Laascaanood.

0
839

Laascanood-(Dawan)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland ee gobolka Sool ayaa Talaagadaha Biyaha u qaybisay masaajiddada magaalada Laascaanood.

Waxaana ka warbixiyey Talaagadahaas loo qaybiyey masaajidada ku yaala magaalada Laascaanood isuduwaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Sool Cabdilaahi Maxamuud Axmed, oo sheegay in hay’adda some-contract ay soo gaadhsiisay shan iyo sodon Talaagadood oo ah kuwa biyaha qaboojiya oo ay ugu talo galeen masaajiddada magaalada Laascaanood isla markaana ay u qaybiyeen masaajiddada, wuxuuna u mahad-celiyey mas’uuliyiinta hay’addaas oo uu xusay inay ka soo jawaabeen codsi ay hore ugu gudbiyeen.

Dhankiisana sheekh Ibraahin oo ka socday hay’adda some-contract oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay Talaagadahaas ay ku keeneen codsi uga yimid mas’uuliyiinta wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Sool, isaga oo intaas ku daray in ay qorshaha ugu jirto in ay mashaariico kala duwan oo ay ku jiraan Ceel-biyoodyo ay ka fulin doonaan gobolka Sool.

Waxa kale, oo iyana halkaas kahadlay qaar ka mid ah iimaamyada masaajiddada magaalada Laascaanood oo ka mahadnaqay Talaagadahaas ay soo gaadhsiisay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ee gobolka Sool.

Leave a Reply