Xildhibaan Budeeye iyo Masuuliyiinta Buuhoodle oo ka Jawaabay Hadal ka soo Yeedhay Xubno ka tirsan Xisbiga Waddani

0
601

Laascaanood (Dawan)- Xildhibaan Cabdixakiim Cumar Faarax Budeeye oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, Maayarka Magaalada Widhwidh Haybe Yuusuf Xaaji Axmed iyo Guddoomiye ku Xigeenka Gobalka Buuhoodle Jaamac Dheeg Cartan ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay xubno ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Cabdixakiim Budeeye Haybe Yuusuf iyo Jaamac Dheeg oo shalay oo si wada jira warbaahinta ula hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Madaxxweynaha Somaliland iyo Shacabka Deegaanka Widhwidh ay ka raali galinayaan hadalo ay Magaalada Widhwidh ka jeediyeen xubno tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Xildhibaan Budeeye ayaa waxa uu sheegay in dadweymaha Degmada Widhwidh aanay raali ka ahayn in Madaxweynaha Somaliland la aflagaadeeyo. waxaana uu yidhi “Xisbiyada Somaliland waxa ay u siman yihiin Diwaangalinta Codbixiyayaasha, waxaana aan leeyahay Madaxweynaha Somaliland wuu u siman yahay dadka, waana astaantii Qaranka, waxaana Degmada Widhwidh aanay ka raali ahayn ku wii degmada Widhwidh ka hadlayay ee Xisbiga Waddani sheeganayay ee ka habaabay sidii ay u hadli lahaayeen ee Madaxweynaha Somaliland aflagaadeeyay, waxa aan leeyahay Degmada Widhwidh iyo Xukuumadda Somaliland waa is yaqaanaan”.

Sidoo kale Guddoomiye ku Xigeenka Gobalka Buuhoodle Jaamac Dheeg Cartan Cartan ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu ku dhiiraday in Gobalada Bariga dalka laga qabto Diwaangalinta Codbixiyayaasha. waxaana uu yidhi “Waxa uu geesinimo ku qaatay Madaxweynaha Somaliland in uu joojiyo is Xambaarkii Xildhibaanada Golaha Wakiilada, waxaana uu ku dhiiraday in Diwaangalinta Codbixiyayaasha laga qabto Gobalada Bariga dalka, waxaana Madaxweynaha ka raali galinaynaa hadaladii ay ka jeediyeen Magaalada Widhwidh Xubno ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani. waxa kale oo aan ka raaligalinaynaa Shacabka Degmada Widhwidh kuwii diidanaa in Deegaanka Widhwidh Doorashada ay galaan markii ay arkeen in dadkii imika fahmeen oo ay qaadanayaan Khaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha in Maanta inta uu Xisbi Mucaarada isa soo dhex taago uu yidhaahdaan waxba kama jiraan waa khalad”.

Dhinaca kale Maayarka Degmada Maayarka Magaalada Widhwidh Haybe Yuusuf ayaa waxa uu Sheegay in uu Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha uga mahadnaqayo in Diwaangalinta Codbixiyayaasha ka qabsoonto Degmada Widh-widh.waxaanu yidhi “Waxa aanu aad uga Shaqaynay sidii Diwaangalintii Codbixiyayaasha si Nabedgalyo ah ayaanay uga dhaci la hayd Deegaanada Degmada Widhwidh,waxaana aan uga Mahadnaqayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha”.

Leave a Reply