Degmada Boon oo laga Dhagax Dhigay Cisbitaal Cusub

0
525

Hargeysa-(Dawan)-Guddoomiye ku xigeenka gobolka Selel Cabdirashiid Cabdilaahi oo uu weheliyo isu duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka gobolka Awdal Dr Mustafe Muumin Muuse ayaa si wada jir ah uga dhagax dhigay degmada Boon cisbitaal weyn oo ay yeelan doonto degmada Boon.

Cisbitaalkan oo loogu talo galay in loogu adeeggo dadka degmada Boon iyo degaanadda hoos yimaada ayaa lagu dhisayaa iska wax u qabso, iyada oo bushadda degmadaasi ay dedaal dheer ugu jirto sidii loo hirgelin lahaa cisbitaalkaasi.

Munaasibad kooban oo loo qabtay dhagax dhiga cisbitaalkan ayaa waxa sidoo kale kasoo qayb galay maamulka degmada Boon, odayaasha dhaqanka,aqoonyahan, siyaasiyiin,bahda caafimaadka ee degmadaas iyo sidoo kale bulshada qaybeheeda kala duwan ee degmada Boon,waxaana ugu horeyn goobtaas ka hadlay guddoomiyaha degmada Boon Sakariye Aw Aadan ,waxaanu tilmaamay in ay degmada Boon hoos yimaadaan dhawr iyo toban degaan, kuwaas oo uu dhakhtarkani u noqon doono xarun caafimaad, sidoo kalena uu dabooli doono baahiyihii caafimaad ee degmadaas iyo degaamadda hoos yimaada.

Waxa sidoo kale iyaguna goobtaas ka hadlay odayaasha dhaqanka degaankaas , aqoonyahan iyo dhakhaatiirtii kasoo qayb galay munaasibadan, iyaga oo ugu baaqay qurbajoogta degmadaas kasoo jeeda ee dalka dibadiisa ku dhaqan iyo bulshadda reer Somaliland ee dalka gudihiisa joogaba in ay ka qayb qaataan dhismaha iyo hirgelinta dhismaha cisbitaalkan.

Waxa isna goobtaas ka hadlay isu duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ee gobolka Awdal Dr Mustafe Muumin Muuse,isaga oo si weyn usoo dhoweeyey fikirka iska wax u qabsada ah ee cisbitaalkan ay yeelanayso degmada Boon lagu hirgelinaayo,isaga oo balan qaaday in ay ka wasaarad ahaan hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan dhismaha cisbitaalkan bilawgiisa ilaa dhamaadkiisa.

Ugu dambayna waxa goobtaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka gobolka Selel Cabdirashiid Cabdilaahi Hande ,waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in gacmaha laysu qabsado dhismaha cisbitaalkan, lagana wada qayb qaato.

Leave a Reply