Murashax Cabdinasir Qodax  oo  Bogaadiyay go’aankii Guurtida ee Doorashooyinka Isbarkan

0
621

Hargeysa (Dawan) Ku simaha xoghaya guud ee xisbiga UCID, Cabdinasir Yussuf Cusman (Qodax),  ayaa bogaadiyay go’aankii guurtida, isaga oo xusay in bulshada Somaliland meel ay joogtaba ay ku farxeen go’aankaasi.

Cabnaasir Yuusuf Cismaan (Qodax),  ayaa shaaca ka qaaday in uu yahay musharax u taagan xildhibaanimada golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana uu ka sharaxan yahay xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Sidoo kale waxaa uu sheegay haddii uu ka mid noqdo mudanayaasha ku guuleysta doorashada golaha wakiillada, in uu caawin doono bulshada danyarta ah, in xilkiisa u gudan doono si daacanimo iyo daljirnimo ay ku jirto, isla markaana uu kaalin muuqata ka qaadan doono dhammeytsirka xeerka qabyada ah.

Ku simaha xoghaya guud ee xisbiga UCID, Cabdinasir Yussuf Cusman (Qodax),   waxaa uu sidan ka sheegay shir jaraa’id oo ku qabtay xarunta guud ee xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa waxaanu yidhi. “Waxaan halkan ka caddeynayaa oo aan si rasmiya u shaacinayaa, in aan ahay murashax u tagaan golaha wakiilladda Somaliland, haddii ILLAAHEY yidhaaho doorashada soo socota”

Murashax Cabdinaasir Qodax waxaa uu si gaara fariin ugu diray bulshada reer Somaliland.“Waxa halkan fariin aan uga dirayaa dhammaan bulshaweynta reer Somaliland, gaar ahaan gobolka Maroodijeex, oo aan uga tartami doono xisbiga UCID, waxaan ka codsanayaa in ay igu hiiliyaan codkooda, cududooda, iyo tacabkoodaba, si aan anniguna bari ka maalin aan ugu shaqeeyo”

Sidoo kale waxaa uu sheegay haddii uu ka mid noqdo mudanayaasha ku guuleysta doorashada golaha wakiillada, in uu caawin doono bulshada danyarta ah, in xilkiisa u gudan doono si daacanimo iyo daljirnimo ay ku jirto, isla markaana uu kaalin muuqata ka qaadan doono dhammeytsirka xeerka qabyada ah, waxaanu yidhi. “Waxaan gudan doona xilka saaraan, mudanaha taga kursiga golaha wakiillada Somaliland, aniga oo ku shaqeyn doona daacadnimo, dal jirnimo, iyo dadaalka ugu sarreeya ee qof muwaadin ahi galiyo bulshadiisa iyo dalkiisa.

Yoolkayga koobaad waa dhammeystirka iyo wax-ka-baddelka qaybyada badan ee xeerarkeena ka jita, waxaan adeegsan doona haddii ILLAAHEY yidhaaho dheelitirka saddexda tiir ee Qarankeena, oo kala ah fulinta, garsoorka iyo xeer dejinta.

Uma socdo in aan ka urursado maal, waxaanse rabba in aan ka tago magac  maamus, iyo wax la mahadiyo iyo midho dalkayga iyo dadkaygu ay u ayaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo, astaankasta oo suuban ayaan yeelan doona, iyo sifo kasta oo wanaagsan waxaanse ka dheeran doona sifa kasta oo la saluugana waan ka dheeraan doonaa.

Waxaan noqon doona Damal la hadhsado, isla markaana ay hadhsadaan danyarta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada,”

Mar uu ka hadlayay muddada uu ku jiray fagaaraha siyaasadana waxaa uu yidhi. “Siyaasadda Waxaan Ku Jiray 17-sanno, Xog-ogaal ayaan u ahay dalka, waxaan halkan ka cadaynayaa inaan u taagan yahay doorashada golaha Wakiilada Somaliland, anoo iska sharrixi-doona xisbiga UCID.”

Ugu danbeyn Cabdinaasir ayaa bogaadiyay go’aankii guurtida, isaga oo xusay in bulshada Somaliland meel ay joogtaba ay ku farxeen go’aankaasi. “Annigo  ku hadlaya afka xisbiga UCID, waxaan boggaadinaya go’aankii geesinimada lahaa ee Qaran ee ay shalay la qaateen arrimaha doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha wakiillada iyo degaanka.

Waxaan qaba in uu ahaa go’aan bulshada reer Somaliland meelkasta oo ay joogtaba ay ku farxeen”

Halkan ka Daawo isaga oo dhammeystiran muuqaalkaasi

Leave a Reply