Qorshaha Ka-faa’idaysiga Biyaha Roobka: Dheri Dabka la saaray xilli ku haboon karintiisa..Faallo

0
586

W/Q. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Caqabadaha la soo gudboonaada aadamuhu waa cashar laga barto ka hortagga iyo xalinta mushkiladaha saameynta taban ku keena.

Suulinta saboolnimada iyo Faqrigu waa qadar alle ku hirgasha tacab nafluhu halgan iyo howl adag u maray si uu uga samato-baxo duruufaha ku gedaaman.

Sidaasoo ay tahay ma dhamaada tabaalada iyo la-tacaalida aadamuhu, waana laba isu macalin ah oo hadday midi meesha ka baxdo ta kale u nuglaanayso.

Somaliland in biyaha roobka laga faa’idaysto wakhtiga ku haboon waxay daawo ka tahay biyo-yaraanta, abaaraha soo noq-noqda iyo nabaad-guurka deegaanka oo ah saddex mushkiladood oo si toos ah u taabtay bulshada miyi iyo Magaalo.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa magaalada Hargeysa ka furay kulan balaadhan oo ay Wasaaradda horumarinta Biyuhu ku shaacisay qorsheyaal looggaga faa’idaysanayo Biyaha Roobka sida ugu haboon.

Barmaamujkan, ayaa la doonayaa in la gaadhsiiyo Magaalooyinka iyo Miyigaba, si’ dhibicda roobka cirka ka soo dhacda weel loogu sameeyo.

“Magaalooyinka goobaha waaweyn ee Ganacsiga, xarumaha Dawladda ee ay dadka badan ka shaqeeyaan iyo guryaha waxaan ugu talogalnay in ay Kaydad waaweyn samaystaan oo ay Biyaha roobka ku qabsadaan”ayuu yidhi Maxamed Xasan Dirir Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha oo ugu horayn Shirkaasi ka hadlay.

Shirkan waxa ka qaybgalay Madaxda iyo Khubarrada Wasaaraddaha horumarinta Biyaha iyo Deegaanka, kuwaasoo lamaane ku ah wadaaga daryeelka Deegaanka iyo naflaha ku uuman.

Wakiillo ka socday Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee la shaqeeya Wasaaradda biyaha ayaa iyaguna goob-joog ka ahaa.

“Dadka Miyiga waxay wasaaraddu qorshaysay in qoys kasta la siiyo oo loo diyaariyo weel uu ku qabsado Biyaha roobka oo ku filan”ayuu raaciyey Agaasime Dirir hadalkiisa.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Qorshahan ka faa’idaysiga biyaha roobka ayaa ah barmaamuj sannado hadal hayntiisu soo socotay, haddii iminka si dhab ah loogu dhaqaaqana wax badan ka tari doona hagaajinta bilicda iyo nafaqaynta Deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, midho-dhalka mashruucani waxa uu intifaac yeellan doonaa marka ficil iyo fulin lagu sameeyo qorshaha Madaxweyne ku-xigeenku daah-furay oo ah mid karintiisa daawaha dabka loo saaray xilli ku haboon oo ay bulshadu ugu diyaar-garoobi karto dhaqan-galkiisa.

Leave a Reply