Wasiirka Wasaaradda Beeraha oo furay Kulan u Dhexeeya Wasaaraddaas iyo Qaar ka Mid ah Hay’addaha ay Wada Shaqaynta leeyihiin

0
403

Hargeysa (Dawan)-Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa kulan ku saabsan xakamaynta Ayaxa ka furay magaalada Hargeys, kaas oo u dhexeeya wasaaradda beeraha iyo qaar ka mid ah hay’addaha caalamiga iyo kuwa wadaniga ee ay wada shaqaynta leeyihiin.

Kulankaas oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda horumarinta beeraha ee caasimada Hargeysa, waxa wasiirka ku wehelinaayay agaasimaha guud ee wasaaradaas Rooble Cabdi Muuse, iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha wasaaradaas.

Agaasimaha guud ee wasaaradaas Rooble Cabdi Muuse, ayaa sheegay in kullankaas oo hal maalin socon doona lagu gorfayn doono dhibaatooyinka uu Ayuxu ku hayo dhul-beereedka Somaliland iyo dedaalka wasaaradda beeraha ee ku saabsan la dagaalanka Ayaxa, kaas oo hadda dib uga dilaacay gobollada Awdal, Sannaag iyo Saaxil.

Agaasime Rooble waxa kale oo uu xusay in kulankaas lagu eegi doono sida hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah ay wasaaradda iskaga kaashan doonaan xakamaynta iyo la dagaalanka Ayaxa.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Muumin Seed, oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu dedaal ku bixisay la dagaalanka Ayaxa, kaas oo dalka ka dilaacay bishii lixaad ee sannadkii 2019.

Wasiirka beeruhu wuxuu intaas ku daray in wasaaradda beeraha oo kaashanaysa cidkasta oo ka caawin ka karta la dagaalanka Ayaxaas ay weli ku hawlan yihiin sidii Ayaxaas loo xakamayn lahaa, iyadoo welina ay wasaaraddu waddo la dagaalankiisa, inkasta oo baaxadda Ayaxaasi tahay mid ka badan awooda wasaaradda beeraha.

Wasiirku wuxuu hawl-wadeennada wasaaradda horumarinta beeraha iyo hay’adaha kala duwan ee ay wada shaqeynta leeyihiin ee kulankaas ka qayb qaadanaya u soo jeediyay inay kulankaas ka soo saaraan qodobo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa wax ka qabashada Ayaxa, oo dhibaato ku haya beeraleyda Somaliland.

Leave a Reply