La Tacaallidda Bukaan cadhaysani waa Qodob muhiim ah, Balse aan u fududayn Sida loo sheegayo xalkiisa!

0
866

 

Adiga oo ah Dhakhtar (amma ka tirsan bahda kale ee Caafimaadka) oo fadhiya qaybta bukaan socodka, amma ba maraya waadhka bukaannadu jiifaan, mala kulantay ereyo aad dhibsato, handadaad, hadal aan ixtiraam ka muuqan, qaylo, riixid amma jug oo kaaga yimi isla bukaankii aad u adeegaysay amma dadkii ehelka u ahaa ee waday? Qaarkood ma ka gaadhey in ay candhuuf amma gacanta wixii ay ku hayeen ku soo gaadhsiiyaan iyaga oo cadhaysan sida ka muuqata sawirka kan hoose ee shaaha/kafeega lagu saydhay Dhakhtarka?

Anigu haddii aan iska billaabo, run ahaan waan u soo taagnaa bukaanno iyo dad la socda oo kaba cadhaysiiyey Dhakhaatiir ka hawl gasha meelo kala duwan. Balse 4tii bilood ee u dambeeyey si shakhsi ah ayaan ula kulmay! Waxa aan xasuustaa 8dii/Nov/2020 maalin Axad ahayd aniga oo Dhakhtar senior ah la jooga qaybta bukaan socodka ee qalliinka, in gabadhi si aan ixtiraam lahayn noo qaabishay erey ahaan iyo weji ahaan ba, iyada oo aanay jirin wax qalad ah oo aan ku samaynay. Maalintaa aad ayaan u yaabay run ahaantii, aniga iyo Dhakhtarkii kale na dulqaad iyo aamusni aannu weliba iyada sasabayno ayaannu kaga gudubnay wakhtigaa adkaa!

La tacaallidda bukaan cadhaysani waa qodob muhiim ah, balse aan u fududayn sida loo sheegayo xalkiisa!

Malaha inta aynaan xalka u dhaadhicin waxa iyana meesha ku jirta in la isla fahmo waxyaabaha ugu caansan ee sababa cadhada bukaanka iyo ehelkiisa/keeda? Hagaag, haddii aynu qodobayno waxa kamid ah;

  1. Dareen ah in aan dan laga lahayn: Bukaannada waadhka yaalla ee cadhooda waxa aan shaki ku jirin in ay rabaan in loo soo joogsado oo loo soo jeedsado. Bukaannada/qaraabada qaar ayaa cadhada muujiya marka ay dareemaan in aanay helin daryeelkii ay filanayeen amma u baahnaayeen. Tusaale ahaan waxa dhacda in ay ka cawdaan dawooyinkii oo la siin waayey, amma warbixin ku filan oo laga siin waayey xaaladda ay ku jiraan.
  2. Wakhtiga ay sugayeen oo dheeraada: qodobkani waxa uu inta badan ka dhacaa qaybaha bukaan socodka. Bukaanka iyo cidda wadda oo in badan safka taagnaa amma fadhiyay ayaa laga yaabaa in dad kale oo ay ka horreeyeenna la soo dhaafiyo iyada oo la adeegsanayo qolada shaqaalaha, dabeetana qolka soo gala iyaga oo cadhaysan oo caddaalad darro na tirsanaya!
  3. Xanuun kale oo lagu sheegay: Waxa dhacda in mararka qaar bukaanka la gaadhi waayo xanuunka haya oo mid kale lagu sheego, hadhow na xagga dambe laga ogaado ka saxda ah. Tan ayaa bukaannada qaar ku keenta xanaaq iyo kalsoonida oo ay kala laabtaan cidda u adeegaysay.
  4. Cabsi iyo werwer: Bukaannada qaar haddii ay ka warqabaan xaaladdooda oo culus isla markaana rejadoodu aanay wanaagsanayn, waxa dhacda in ay lumiyaan xidhiidhka kala dhexeeya dhakhtarka isla markaana ay cadho u muujiyaan bahda Caafimaadka ee u soo dhawaataba.
  5. Dhibaato maskaxeed: Bukaannada qaar ayaa laga yaabaa in ay jiraan xaalado hoose oo ka keenaya cadhadan, sida iyaga oo qaba qaar kamid ah xanuunada maskaxda iyo shakhsiyadda haleela, halka qaar kale na ay noqon karaan kuwo adeegsanayey maandoorriyaha noocyadiisa kala duwan.
  6. Dhibaato qoys: Dhibaato khilaaf amma isku buuq ka dhex aloosan reerka bukaanku ka yimi haddii ay jirto, calaamad ahaan ayey u muuqan kartaa cadhadu.

Iyada oo niyadda lagu hayo sababahaa iyo qaar kale oo soo raaci kara, ayaa habka looga falcelinayaa ku xidhnaanaysaa hadba qodobka loo maleeyo in ay sababeen cadhada!. Guud ahaan se tallaabooyinka lagu taliyo in la raaco waxa aynu ka soo qaadan karnaa;

– Dhakhtarku in uu xakameeyo naftiisa, muujiyo degganaansho una ogolaado in bukaanku muujiyo cadhadiisa inta uu ka nafisayo, waa tallaabada u horraysa ugu na muhiimsan, sidoo kale ah ta ugu adag in lagu samro!

– Raalligelin iyo sasabid wada socota sii bukaanka. Tan macnaheedu ma aha waxa uu sheegayo oo dhan ayaa sax ah, balse waa dejin iyo xaaladda oo lagu soo dabbaalayo is fahan.

– Ha dhalleecayn asxaabtaada aad isku bahda Caafimaadka tihiin amma goobta aad ka hawl gasho. Bukaanka u qir in dhacdada uu ka cabanayaa ay qalad tahay u baahan in la saxo oo hoos loo baadho, sidoo kale aad kala hadli doonto cidda shaqada ku leh, laakiin shaqaalaha kale amma goobtaada shaqo haka dhigin dambiileyaal oo ha dhalleecayn iyaga.

– Isku day in aad hesho aamminaadda bukaanka si uu kuugu warramo si sax ah. Kadib u dhaadhac sidii aad u sixi lahayd halka ay cabashadu ka soo jeeddo adiga oo tix raacaya qodobada aynu xagga sare ku soo xusnay ee keena cadhada, kuwaas oo sixitaankoodu ka muuqdo cabashadu waxa ay tahay.

Ugu dambayn waxa muhiim ah in Hospitals ka dalka gebi ahaantood loo sameeyo qayb u gaar ah cabashada bukaannada iyo ehelkooda, si markaa loogu fidiyo adeegga ay u qalmaan ee lagu saxayo cabashadooda.

Dr. Mohamed Mukhtar

Leave a Reply