Hoos u Dhac Ku Yimi Biyaha Roobka ee Somaliland Ka Da’a

0
562

Hargeysa-(Dawan)- Xaddiga biyaha roobka ee ka da’a buuralayda ama dhulka ooga sarre ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayuu hoos dhac balaadhan ku yimi sannadihii danbe taasi oo ay keeneen xaalufinta ay shacabku ku hayaan dhirta.

 

Eng Siciid Ducaale Maxamed oo ah khabiir sare oo ku takhasuusay biyaha ayaa soo bandhigay isbedelka ku yimi xaddiga biyaha Somaliland ay heli jirtay wixii ka horeeyey sannadkii 1960 kii iyo maanta .

“intii u dhaxaysay sannadihii 1950 ilaa 1960 waxa dalka da’ jiray 800mm, maantana waxa ka da’aya Meesha ugu badan oo ah intaa buuralayda 500mm. xaddiga roob ee inaga dhinmay waxa keenay dhirta aynu baabinay waayo dhirtu qayb ayey ka qaatan biyaha aynu helno ee cirka ka yimaada”ayuu yidhi.

 

Wasaaradda Horumarinta Biyaha ayaa wadda qorshe ay ugu magac dartay “Gacmahaaga Biyo Kaga Dharag” kaasi oo ay doonayso in shacabka Somaliland ay kaydansadaan biyaha roobka ee sannad walba sida fudud ku dhaafa.

 

“Barnaamikan gacmahaaga biyo kaga dharag waa barnaamij aynu doonayno in quwada bulshadeena looga faa’iideeyo sidii ay u qabsan lahaayeen biyaha roobka, si la mid ah sidii dalkeenan Somaliland loogu dhisay quwada shacabka, waxaanu hawlgalkani xal u noqonayaa xal u helida baahida biyo la’aanta ee ku baahsan bulshadeena”. Ayuu yidhi wasiirka wasaradda biyaha

Leave a Reply