Somaliland: Kiisaska Ka Dhanka ah Xuquuqda Aadanaha Oo Si Weyn U Kordhay

0
669

Hargaysa (Dawan): Kiisaska cabashooyinka ah ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ayaa si weyn kor ugu kacay guud ahaanba dalkan Somaliland marka la bar-bar dhigo sanadihii hore.

Waxaana sanadkii ina dhaafay ee 2020-ka komishanka xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland soo galay 101 cabasho, oo ka dhan arrimaha xuquuqal iinsaanka.

Halka ay sanadkii hore ka ahayd boqol iyo dhawr cabasho, iyadoo dhamaanba cabashooyinkaasi uu  komishanku kaga hawl galay sida baadhis.

Sidaasina waxaa sheegay agaasimaha guud ee komishanka xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland Cabdi-samad Sacad, oo maanta  khudbad uu ka jeediyay munaasibad ay komishanka xuquuqal iinsaanka qaranku ku soo bandhigayeen war-bixin sanadeedkoodii sanadkii tegay ee 2020-ka.

May be an image of text that says 'Jamhuuriyadda Somaliland Komishanka Xuquuqal nsaanka Qaranka Somaliland National Human Rights Commission SLNHRC Bandhigga Warbixin Sannadeedka 2020 2020 Annual Report Release Venue: Baraar Hotel Time: 8:15 AM Date: 7th February, 2021 Day: Sunday SLNHRC P UNSOM 실실 W SWEDEN'

May be an image of 4 people, people sitting and indoor

May be an image of 6 people, people standing and people sitting

May be an image of 7 people, people standing, people sitting and indoor

May be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of 4 people, people sitting, headscarf and indoor

 

 

Leave a Reply