Xaaladaha Kufsi oo Kor u Kacay Sannadkan iyo Dilal ku Lamaan

0
383

Hargeysa-(Dawan)-boqol iyo laba iyo afartan kiis oo kufsi ah ayaa ka dhacay deegaannada Jamhuuriyadda Somaliland, sannadkii lasoo dhaafay ee 2020, sida lagu sheegay daraasad fal-dambiyeedyada ku saabsan oo ay soo saartay guddida Xuquuqal Insaanka Qaranka .

 

Kiisaska kufsi ee dhacay sannadkii dhammaaday ayaa saadaalinaysa inuu jiro koror, marka loo barbar dhigo sannadkii la soo dhaafay.

 

Magaalooyinka ugu badan ee ay kiisaska kufsigu ka dhaceen ayaa lagu sheegay inay kala yihiin Sool 37 Hargeysa oo 25 kiis ah iyo Togdheer oo 25 kiis laga diiwaan-geliyay. Halka 55 kiis ay ka dhaceen gobollada Saaxil. Awdal, Sanaag,Saraar iyo Gebiley .

 

Falalka kufsiga ayaa waxa dheer dilal loo gaystay hablaha la faraxumeeyey kuwaasi oo ka dhacay gobollada Maroodijeex , Togdheer , Saraar iyo Sool kuwaasi oo fal dambiyeedyo ku cusub gudaha dalka taasi oo u baahan in si degdeg ah ay Xukuumadda Somaliland uga qaado talaabooyin lagu xakamaynaayo .

Leave a Reply