Xukuumadda oo Bilaabaysa Dhismaha Jidka isku Xidha Maroodijeex, Togdheer iyo Daadmadheedh

0
330

Hargeysa-(Dawan)-Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Saylici iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa Maanta dhagax dhigay Jidka isku xidhaya Magaalooyinka Burco,Oodweyne Iyo Hargaysa.

Munaasibadda Dhagax dhiga Jidkan oo ka qabsoontay deegaanka Kaba-dheere ee Duleedka Magaaladda Burco waxaa ka qayb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Mas’uuliyiin ka socday golayaasha qaranka, Madax dhaqameed, Mudan iyo Mas’uuliyiin kale.

Waddadan oo dhererkeedu yahay 184 kiiloomitir, Waxaa Dhaqaalaha ku baxaya dhismahaasi bixinaysa Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Saylici oo sheegay in Mashruucani uu wax weyn ka tarayo fududaynta isu socodka dadka iyo gaadiidka waxaanu u mahadceliyey Wasaaradda Horumarinta Jiddadka Somaliland.

Leave a Reply