166 Shaqaale Dawladdeeda oo ka Qalin Qortay MachadkaShaqaalaha

0
433

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Munaasibad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay 166 arday oo dhammeystay barashada luuqada Ingiriisiga iyo koorsooyin gaagaaban, kana kala socday wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Ardaydan oo wax ka bartay maxadka tabbabarka  hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, waxaa ka qayb galay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda oo ay weheliyaan agaasimaha fulinta ee maxadka tababarka shaqaalaha, agaasimaha guud ee waxbarashada iyo tacliinta sarre, guddoomiyaha hay’adda maamul waanaga iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha hay’adda maamul waanaga, agaasimaha wasaaradda waxbarashada, agaasimaha waaxda madaxa tababaradda shaqaalaha, masuul ka socday maxadka FSCH ee dalka Ingiriiska oo dhammaantood halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay ahmiyada wasaaradda iyo hay’addaha dawladda ugu fadhiyaan tabbabarada gaagaaban iyo luuqada Ingiriisiga taasi oo xoojinaysa dardargelinta hawlaha shaqo ee ay gacanta ku hayaan.

Agaasimaha waaxda tabbabarada ee maxadka tabbabarka shaqada Amaal Saleebaan Hagoog oo ugu horayn halkaasi ka hadashay ayaa tidhi. “Waxaa halkan aynu maanta shahaadooyin kala duwan ku guddoonsiinaynaa arday dhan 166 arday, isla markaana qaadanaya shahaadooyin barnaamijyo  kala duwan ku salaysan”

Agaasimaha waxbarashada iyo sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed ayaa ka hadlay kaalinta waxbarashadu kaga jirto horumarka bulshada waxaanu yidhi.  “Haddii shaqaalaha tayadooda la hagaajiyo, oo shaqaalaha aqoontoodu dhisan tahay, niyadooduna ay dhisan tahay waxaa ay noqonayaan dad dhisan oo bulshada wax gaadhsiiya, balse haddii arrintaasi la waayo waxaa innagu imanaya dib u dhac, kor u qaadista tayada waxbarashadana waxaa ka masuul ah shaqaalaha dawladd”

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, mudane Farxaan Aadan Haybe, ayaa ku hanbalyeeyay shaqaalaha waxbarashada dhammaystay dadaalka ay sameeyeen, isaga oo tilmaamay in fursadaha tabbabar iyo waxbarasho ee shaqaalaha dawladdu ay helaan ay noqdaan kuwo aan dayicin tacabka uu Qaranku geliyay, “Waa inoo farxad waana inoo dadaal kale oo aynu is leenahay waxaad ugu sii dhawaanaysaan in waddankeenu horumaro, ujeedada waxan oo dhan laga leeyahay, ee cashuurta loo qaadayo, xafiisyadu u jiraan, qalabka loo keenay shaqaalaha loo dhigay, aynu u wada tafaxaydanahay waxaa weeyi in sida dhibica roobka aynu daad soo rogno, wakhtigii aynu daad rogi lahayn ayaynu hadda taaga nahay, isla markaana juhdi iyo dadaal iyo aqoonba gelino shaqaalaha”

166 Shaqaale Dawladdeeda oo ka Qalin Qortay MachadkaShaqaalaha, oo uu ka mid yahay Tifartiraha Wargeysyadda Dawan Axmed Maxamed Saleebaan.

 

Leave a Reply