Akhri:- Magacyada Xildhibaano Golaha Guurtidu Baafinayo

0
619

Hargeysa (Dawan) Golaha guurtidda Somaliland ayaa baafinaya 15 mudane, oo sabab la’aan uga baaqday fadhiga 3-aad ee kaldadhiga 74-aad ee maanta.

Baafintan mudanayaasha ayaa ku soo beegmaysa xilli ay hore u soo xaadiri waayeen mudanayaashi la doonayay in koramku ku furmo oo dhan 42 muddane.

Guddoomiye ku xigeenka golaha guurtidda Somaliland, mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa xughayaha guud ee golahaasi garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi, ka codsaday in uu mid mid u xaadiriyo 82-ka mudane ee golahaasi ka kooban yahay.

Intaas kadib ayaa markii ay buuxsantay tiradii la doonayay in kooramku ku furmo, waxaa uu guddoomiye Siciid Xughayaha golaha ka codsaday in uu soo daabaco liiska mudanayaasha, sabab la’aanta uga baaqday fadhigii saddexaad ee kalfadhiga 74-aad.

Haddaba warqadii liiska mudanayaashi ku qornaayeen oo warbaahinta loo qaybiyay, isla markaasna uu ku saxeexna xughayaha guud ee golaha guurtidda Somaliland, garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi. Ayaa u dhignayd sidan.

Xildhibaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan

Xildhibaan Mukhtaar Ciise Faarax

Xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan

Xildhibaan Cawil Cismaan Maxamuud

Xildhibaan Cali Siciid Xaaji Cali

Xildhibaan Mustafe Ibraahim Ciise Buux

Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Aareeye

Xildhibaan Axmed Cabdilqaadir Cabdi

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye

Xildhibaan Mabduux Sheekh Cusmaan

Xildhibaan Axmed Yuusuf Sheekh Axmed

Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cumar

Xildhibaan Xasan Cumar Axmed

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan

waxaa sidoo kale fadhigan oo uu shirgudoominayey guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golahaas mudane Siciid Jaamac Cali, waxaana fadhigaas ka soo xaadiray 42 mudane, iyaga oo cod gacantaag ah u qaaday ansixinta ajandaha kalfadhigooda 74aad, waxaana ogolaada 39 xildhibaannada, halka uu diiday hal mudane, iyada oo uu ka aamusay hal xildhibaan guddoomiyuhuna muu codeyn sidaas ayaanu ka ansaxay ajandaha kalfadhiga afar iyo toddobaatanaad ee golaha guurtidu.

 

Waxaana ajandaha afar iyo toddobaatanaad ee goalaha guurtida ka mid ah qodobo muhiim u ah qaranka oo ay ka md yihiin siyaasadda arrimaha gudaha, arrimaha dibadda, nabadgalyada, arrimaha bulshada, deegaanka iyo dhaqaalaha dalku.

 

Leave a Reply