Wasaradda arrimaha bulshada Somaliland oo xaraysay kow iyo afartan Caruur ah

0
347

Hargeysa-(Dawan)- Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska ayaa ka fuliyay magaalada Hargeysa hawl-gal balaadhan oo lagu xaraynayo Caruurta aan haysan daryeelka ee hoy la’aanta u joogay jidadka magaalada Hargeysa.

 

Caruurtaasi oo tiradoodu dhammayd 41  ayaa lagu xareeyey Xarunta dhaqan Celinta Maxamed Mooge ee Wasaaradda oo ay ka heli doonaan daryeel, waxbarasho iyo dhaqan celin nololeed.

 

waaaradda ayaa sheegtay in hawl galkani  uu noqon doonnaa mid socon doonna inta caruurtaasi ay ka dhammaanayaan jidadka Magaalada Hargeisa.

Wasaaraddu waxa ay talaabo ka qaadi doontaa waalidiinta iyadoo aysan duruufo jirin sababaya in caruurtoodu dayacanto ku kacaaya masuuliyad darrada baaxada leh ee abuuraya xaaladaha ay caruurtu galayaan ee daryeel la’aanta ah.

Leave a Reply