Xisbiga Kulmiye oo Berbera ku soo Bandhigay laba Murrashax

0
506

Hargeysa (Dawan) Munaasibad lagu shaacinayay Musharaxnimada Cabdirashiid Cabdilaahi Muuse oo u sharaxan Galaha Wakiilada iyo Musharax Cali Cabdidheere oo u taagan Golaha Deegaanka ayaa lagu qabtay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobalka Saaxil.

Munaasibadan lagu Shaacinayay Musharaxiintan oo ka Sharaxan Xisbiga Kulmiye ee u taagan Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanka Berbera ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Ibraahim Axmed Raabi Xoghayaha guud Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Wasiirkii hore Wasaarada Hawlaha guud iyo Guriyaynta Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Cuqaal Haween iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan oo hadal ka jeediyay munaasibadan ayaa waxa uu Sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu ka soo qayb galo Munaasibsdan lagu Shaacinayay Musharaxiintan.Waxaana uu yidhi”Anigu aqoon balaadhan ayaan u leeyahay labadan Musharax aad iyo aad ayaanan ugu faraxsanay in aan ka soo qayb galo Munaasibadan,”.
Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Ibraahim Axmed Raabi oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu yidhi”Halkan waxa aanu u nimid in aanu Taageero u muujino labadaa Musharax ee Qiimaha ay leeyihiin laga Sheegay halkan,”.
Wasiirkii hore Wasaarada Hawlaha guud iyo Guriyaynta Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan ayaa waxa uu Sheegay in is garabtaagi doono Musharaxiintan.Waxaana uu yidhi”Waxa aan leeyahay soo dhawaada labadan musharax oo hore uga soo shaqeeyay arimaha Bulshada,waxaana aan ka mid ahaan doonaa raga isgarabtaagi doona ee waxaba kala hadhi doonin Musharaxnimadooda,”.
Xoghayaha guud Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in uu Taageersanyahay labadan Musharax ee u kala sharaxan Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanka Berbera.Waxaana uu yidhi”Waxa aan Taageero u hayaa labadan musharax ee u kala sharaxan Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanka Berbera,Qaangaadhnimada Xisbiga Kulmiye 17 jirsatay waa Qaangaadhnimo muuqatay labo jeer ayuu hantay Talada dalka,”.
Musharax Cabdirashiid Cabdilaahi Muuse oo u sharaxan Galaha Wakiilada oo halkaas hadal ka Jeediyay waxa uu Sheegay in faham sanyahay shaqada Golaha Baarlamaanka.Waxaana uu yidhi”Muddo dheer ayaa ka soo wareegtay markii aan bilaabay Musharaxnimadayda waxaana aan Cadaynayaa in aan ahay Musharax Golaha Wakiilada, waxaana aan ahay musharax fahamsan shaqada Golaha Wakiilada oo door muhiima ka qaadata dhamaystirka Qaranka Somaliland,”.
Musharax Cali Cabdidheere oo u taagan Golaha Deegaanka Berbera oo isaguna halkaas hadal ka jeediyay ayaa waxa uga Mahadnaqay Dadweynihii ka soo qayb galay Munaasibadan.Waxaana uu yidhi”Waxa aan u Mahadcelinayaa Bulsho waynta ka soo qayb gashay Xafladan lagu Shaacinayay Musharaxnimadayada, waxaana aan usoo jeedinayaa reer Berbera in ay doortaan qof garanaya,”.
Sidoo kale Cuqaal Haween iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada oo hadalo ka jeediyay halkaas ayaa waxa ay soo dhaweeyeen Musharaxiintan u taagan Doorashada Baarlamaanka iyo Golaha Deegaanka.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply