Guddida ka Hortagga xannuunka COVID-19 ee Somaliland oo Go’aamo soo saaray.

0
461

Hargeysa (Dawan) Guddida ka hortaga heer Qaran ee Covid-19, oo maanta kulan ku yeeshay aqalka madaxtooyada Somaliland, ayaa soo saaray go’aamo lagaga hortago faafitaanka xannuunka safmarka ah ee Covid-19.

Wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa akhriyay go’aamada ay soo saareen, kuwaas oo ah kuwo lagaga hortago fiditaanka xannuunka Covid-19.

Go’aamadan ay guddidu soo saartay ayaa ku soo beegmaya, xilli xannuunka Covid-19 uu kor u kacay, dhimashada bulshadu ay badan tahay.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply