Ciidanka Dab-demiska ee Degmada Wajaale oo Xalay Damiyay Dab Weyn oo Qabsaday Meherado Ganacsi

0
451

Wajaale (Dawan)- Ciidanka Dab-demiska ee degmada Wajaale ayaa habeenimadii xalay damiyay Dab weyn oo qabsaday Meherado ganacsi iyo guryo ku yaalla daanta Itoobiya ee magaalada Wajaale.

Meheradahan goobtaa ganacsi ku yaallay ayaa tiradoodu ahayd 14 Meheradood , waxaana dabku gaadhay 4 ka mida, halka ciidanka Dab-demisku dabkaas ka xakameeyeen 10 kii Meheradood ee kale.

Sidoo kale iyadoo hawlgalka lagu jiro ayaa ciidanku damiyeen laba guri oo kale oo dab ka kacay ciidamada ayaa sheegay in aanu jirin wax dhimasho iyo dhaawac ah.

Maamulka degmada Wajaale qaybta Itoobiya oo ay ugu horeeyaan Mayirka iyo Mayir ku xigeenka magaaladaas ayaa ciidanka kala qayb qaatay hawlgalkaa lagu daminayay meheradahaas ganacsi.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply