Hargeysa (Dawan) Axmed Aadan Qalinle, kana mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa si weyn uga dayriyay xaalada abaareed ee dalka ka jirta.
Xildhibaanku waxaa uu sheegay in safar uu ku tagay degaano ka mida gobollada galbeedka Somaliland, in uu ku soo arkay xayaawanada ay ka mid yihiin, Doofaarka, Waraabaha, Daanyeerka iyo bini’aadamkii oo abaartu kulmisay, isla markaa biyihii isku haysta.
Waxaanu soo jeediyay xildhibaanku in wasaaradda degaanka iyo hay’addaha ku shaqada leh arrimaha degaanku ay qorshe ka yeeshaan abaarta soo noq noqotay, ee saameynta xoogan ku yeeshay dadka iyo degaankaba.
Sidoo kale xildhibaanku waxa uu ka waramay sidii loo kala xadaynlaha dhul daaqsimeedka iyo dhul beereedka.