Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ayaa  Soo Dhaweeyay ansixinta Xeerka shaqaalaha Dawladda

0
1102

Hargaysa (Dawan) Guddoomiyaha  hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland, mudane Farxaan Aadan Haybe,  ayaa u mahad naqay ciddkasta oo kaalin ka qaatay in dhamaystirmo, isla-markaasna meel-maro Xeerka cusub ee shaqaalaha dawladda Xeer.97/2021 oo ay maanta ansixiyeen gollaha wakiiladda Somaliland.

Gudoomiye Farxaan Aadan waxa uu si gaar ah ugu mahad-naqay madaxweynaha Somaliland, ku-xigeenka iyo mudanayaasha gollaha wakiiladda.

Guddoomiye Farxaan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Waxa guul wayn oo u soo hoyatay shaqaalaha dawlada Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan qarankaba in maanta baarlamaanka Somaliland, ansixiyeen xeerka  cusub ee shaqaalaha dawlada oo ah taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland markii ugu horaysay ee xeer dhamaystiran oo baarlamaanku ansixiyo la soo saaro,  Xeer NO: 97/2021

Amaan, abaal iyo mahadnaq waxa leh Madaxwaynaha JSL, madaxwayne ku-xigeenka, xubnaha Golaha wasiirada, shir-gudoonka iyo xubnaha Golaha baarlamaanka JSL.

Waxaan hubaa in xeerkani wax wayn ka tari doono tayaynta iyo taabo gelinta nidaamka shaqada, xaquuqda shaqaalaha iyo habka hawlqabadka iyo adeeg bixinta guud”.

Leave a Reply