Laascaanood: Hablo loo Carbinaayo Shaqo Qaran

0
547

Laascaanood-(Dawan)- Guddoomiyaha barnaamijka shaqo qaran oo socdaal shaqo ku jooga gobolka Sool ayaa maanta magaalada Laascaanood ka bilaabay sidii hablaha gobolkaas uga qab’galaaya dufcadda saddexaad ee shaqo qaran ay u bilaabi lahaayeen tabobarka barnaamijkaas.

 

Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Mu’addinka ayaa ardaydaas u sheegay inuu yahay mid lagu  lagu qorshaynaayo sidii ardaydaasi hablaha ahi waxbarashada barnaamijka shaqo qaran uga bilaabi lahaayeen jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood, oo ay hablahaas dhawaan waxbarashadu uga bilaabmi doonto.

 

Mu’addinku wuxuu ku dhiirigeliyay hablahaas tabobarku u bilaabmi doono inay ku dadaalaan sidii ay u dhammaysan lahaayeen tabobarkaas ugana mid noqon lahaayeen ardayda barnaamika shaqo qaran ducadiisa saddexaad, si ay ugu noqoto shaqo abuur iyo aqoon korodhsi.

 

Ugu dambayna guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa xarunta gobolka Sool kulan kula yeeshay agaasimaha barnaamijka shaqo qaran, iyadoo kulankaasina ku saabsanaa sii dar-dargelinta tabobarka hablaha shaqo qaran ee gobolka Sool.

Leave a Reply