Madaxweynaha oo daah-furay Mashaariic kor loogu qaadayo Adeegyada Waxbarashada ee Dalka

0
344

Hargeysa-(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xadhigga ka jaray 106 Dhisme oo Waxbarasho kuwaasi oo isugu jira 100 Dugsi, 5 Library iyo Dhismayaasha Xarunta Wasaaradda Waxbarashada.

Madaxweynuhu wuxu sidoo kale Daahfuray Barnaamijka Aqoonjire oo ah Barnaamij duruusta manhajka oo duuban lagu shubayo Tablets cadceedda ku shaqeeya, Waxbarashadana lagu gaadhsiinayo Ardayda miyiga.

Sidoo kale waxa Madaxweynuhu daahfuray Muuqbaahiyaha Waxbarashada (Somaliland Education Channel).

Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku ayaa hirgelisay dhammaan mashaariicdaas.

Leave a Reply