“Mar walba wadajir baan ahaan doonnaa Somaliland” Mr Lou

0
431

Hargeysa-(Dawan)-Danjiraha Dawladda Taiwan u fadhiya Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dhul hodan oo ay ka caawinayaan arrimaha horumrinta wax soo saarka iyo tiknoolajiyada .

Mr Lou oo la hadlay idaacada dunida la hadasha ee BBC-da ayaa ku sifeeyay xidhiidhka ka dhexeeya labada waddan guul labada dhinac ah
“Taiwan waxay Somaliland ka caawisaa beeraha, tikniyoolojiyadda, waxbarashada, daryeelka caafimaadka, doorashooyinka iyo tamarta” ayuu yidhi

Allen Chenhwa Lou ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay goob istiraatiiji ah, keyd kalluumeysi oo hodan ah, kheyraad dabiici ah iyo dalxiis

“Somaliland waxay ugu yeedhaa Taiwan walaalkeeda weyn, waxaan doorbidayaa in xidhiidhkeennu uu noqdo mid wax wada qabsi iyo iskaashi ah. Mar walba wadajir baan ahaan doonnaa Somaliland”

“Uma baahnin inaan raadinno madax banaani hada sababtoo ah durba waanu madax bannaan nahay, waxaa labadeennaba aan u baahanahay waa aqoonsi” ayuu yidhi Allen Chenhwa Lou

Leave a Reply