Wasaaradda Beeraha oo Diyaarisay Siidhka lagu Caawinayo Beeralayda Dalka

0
412

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland,   ayaa diyaarisay Siidhadhka loo qaybinayo dadka beeralayda ah, maaddaama oo la guda-galay xilliga Gu’ga ee ay bilaabmayaan qodista Beeraha.

Qorshahan oo daba socda ballan-qaad ay hore u sameeyeen wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha  mudane Axmed Muumin Seed iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi mudane Rooble Cabdi Muuse, oo beeralayda lagu taageerayay, ayaa toddobaadkii u dambeeyay laga shaqaynayey sidii loo diyaarin lahaa qoys walba inta Kiiloo ee loogu talo-galay.

Hawsha diyaarinta oo toddobaadkii u dambeeyay ka socotay xarunta wasaaradda beeraha ee Abuuriin, ayaa Khamiista Maanta la soo gebo-gabeeyay, waxaana loo diyaar-garoobayaa sidii loo qaybin lahaa Siidhadhkaasi oo isugu jira noocyada Hadhuudhka iyo Galayda.

Qoys walba waxa la siin doonaa 13-Kg oo hadhuudh ah iyo 8-Kgoo Galey ah, siidhkaasi oo ah Siidh WADDANI ah oo asal ah.

Agaasimaha waaxda cilmi-baadhista ee wasaaradda beeraha Somaliland,  Cali Cabdillaahi Ibraahim oo maamulayey hawsha diyaarinta Siidhka ayaa warbixin kooban ka bixiyay halka ay wax u marayaan waxaanu yidhi “Hawshani waxay daba socotaa ballanqaadkii wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha ee ahaa in wakhtiga Gu’ga beeraleyda lagu caawiyo shini tayo leh oo waddani ah”

Agaasimuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas raaciyay “Waxaanu diyaarinay Shini isugu jirta Galey iyo Hadhuudh, iyada oo qofkiiba la siinayo 13-kilo garaam oo hadhuudh ah iyo 8-killo garaam  oo Galey ah.

Waxaana loo qoondeeyey in la gaadhsiiyo gobollada Maroodi-jeex, Sanaag iyo Buuhoodle, waana Shini Waddani ah oo caafimaad qabta, waxaana laga maalgeliyey Cashuurta dalka.”

Leave a Reply