Hooyo Waayeela oo Bulshada ka Codsatay in la Caawiyo

0
610

Hargeysa (Dawan)  Hooyadani waa 80-jir ah isla markaana uu waayuhu lagday, waxaana korkeeda ka muuqday duruufaha dhinaca nolosha ee ay la daala dhacayso.

Hooyadani malaha ubad iyo cid kale oo u gargaarta midna, cod hoose oo dhuunteeda dirqi kaga soo baxaya ayay ku sheegtay in haynteeda dhaqaale ay hooseyso, iyada oo lagu guddo jiro bishi barakeysneyd ee Ramadaan in aanay helin mararka qaar wax ay ku suxuurato, balse dadka jaarkeeda oo aan hayn ahaan waxba dhaamin ay iyagu mararka qaar wax siiyaan.

Hooyadan waayeelka ah ee nolosha kalida ku ah isla markaana ay ku xeeran yihiin duruufaha adagi ee aan haysan ubad iyo cid kale oo gargaarta midna waxaa ay walaalaheeda islaamka ah ka codsatay in ay garab siiyaan oo ay la qaybsadaan duruufaha adag ee kaligeed cidlada dhigay, maadama lagu guda jiro bishi barakeysneyd ee Ramadaan waxaanay tidhi. “Xaaladeydu aad ayay u liidata oo way xun tahay wax aan cuno wax aan cabo midna ma haysto, ILLAAHEY haddii uu yidhaahana waan sugayaa, xoog malihi, xoolo malihi, ILLAAHEY ayaa qaniya, isaga qufuura rixiima.

Dadka Muslimiinta ah ee walaalahay ah waxaan ka codsanayaa in ay i soo caawiyaan, oo ILLAAHEY dartii wax igu qabtaan, isla markaana ay ila qaybsadaan noloshada kalinimada igu heshay.

Waxaa lagu jira bishi barakeysneyd ee Ramadaan, walaalayaal waxaan u baahanahay wax aan cuno, wax aan cabo, wax aan ku afuro, wax aan ku suxuurto, waxaan ku seexdo iyo wax kasta oo nolosha mihiim u ah intaba”

Leave a Reply