Ciidanka Booliska oo soo Bandhigay Bakhtiga Libaaxii baxsaday

0
418

Hargeysa (Dawan) -Ciidanka Booliska Somaliland ayaa saaka waabarigii ku guulaytay inay toogtaan libaaxii xalay fiikii ka dhacay beerta Libaaxyada ee Cali Waran- cadde.

Ciidanka Booliska ayaa sheegay inuu xalay haweenay la jaar ah beertaas uu dhaawacay, kadibna ay ciidanka boolisku u gurmadeen, isla markaana baxsadkii uu galay god aan sidaas uga sii fogeyn bertii uu ka dhacay.

Saraakiisha Ciidanka Boolisku waxay intaas ku dareencinay saaka toogteen waxaanay fagaare ku soo bandhigeen bakhtigiisii.

Dadweynaha la jaarka ah beerta libaaxyada, ayaa ku baaqay in laga raro libaaaxyadaas oo Cali Waran-cadde oo cabsi joogto ah ku haya dadweynaha xaafadaas.

Leave a Reply