Xukuumadda Somaliland: Xisbiga WADDANI ha keeno Cadaymo ku saabsan musuqmaasuq ee uu ku eeddeeyey Wasiirka Warfaafinta”

0
503

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyilinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdilaahi Aadan Cumar Wayab ayaa ugu baaqay Xisbiga WADDANI inay soo caddeeyaan lacagaha ay ku eedeeyeen Wasiirka Warfaafinta Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore).

Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta oo nuqul kamida soo gaadhay Wargeyska Dawan, kaasoo u dhignaa sidan:

“Xisbiga WADDANI ayaa eedaymo culus u soo jeediyey Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa Warfaafinta, hase yeeshee waxa lagama maarmaan ah in Xisbigu bulshada iyo Hay’adaha sharcigaba u soo bandhigo caddaymaha iyo Dhukumentiga uu u hayo in Idaacaddii Qaranka ee ku jirtay miisaaniyaddii 2020kii uu musuqmaasuqay Wasiirka Warfaafintu.

Masuuliyiinta Qaranku waxay huwan yihiin karaamadii iyo sharaftii ummadda eedaha loo soo jeedinayaana waa inay noqdaan qaar xaqiiqadooda la hubo, balse maaha in si male-awaala oo ku sallaysan qaaciidada mu’aamaraadka ee la xidhiidha karaamo dilka iyo kutumashada xuquuqda qofka.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI waxa uu sheegay in Madaxweynuhu khasnada dawladda ku soo celiyey SHAN BOQOL OO KUN oo Doolar, taasi oo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI uu ku tilmaamay in laga soo celiyey Wasiirka Warfaafinta, taasi oo ah mid aanay waxba ka jirin caddaynteedana looga fadhiyo xisbiga WADDANI inay horkeenaan Hay’adaha sharciga.

Geesta kale, Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in afar xubnood oo murrashaxiin ka ahaa xisbiyada UCID iyo WADDANI ay ku eedaysan yihiin inay xidhiidh la leeyihiin cadowga JSL. Sidaas darteed, may ahayn inuu xisbiga WADDANI noqdo sidii ‘Layligii ka didi jiray biyaha kashkiisa ku jira’, balse maadaama aanay cidna sharciga ka sareyn waxa nidaamku ahaa inay ka dhursugaan Hay’adda Garsoorka ee may ahayn inay bulshada ku jaho-wareeriyaan dood aan xiligeedii la gaadhin.

Wasaaradda Warfaafintu waxa ay u gudbinaysaa Hay’adda sharciga ee dalka eedaymaha culus ee uu Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ku eedeeyey Wasiirka Warfaafinta”ayaa lagu yidhi Warsaxaafaddeedka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI Maxamuud Cabdi Jaamac oo Isniintii qaybo warbaahinta kamida kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa eeddeymo u jeediyey murrashaxiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Saleeban Yuusuf Cali Koore.

Leave a Reply