Dawladda UK oo ka Hadashay Muhiimada ay Dekadda Berbera u Leedahay Afrika

0
405

Hargeysa-(Dawan) Dawladda dalka Uk ayaa sheegtay in horumarka dekedda Berbera uu fursad weyn u yahay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo waddamada bariga Afrika.

 

 

Dawladda Ingiriisku waxa ay sheegtay in ha’yadda cunida adduunka ee WFP ay adeegsan doonto dekedda Berbera si ay u keento 65% gargaarka cuntada ee Itoobiya. Waxaanay xustay in Berbera ay noqonayso marinka ganacsiga iyo barwaaqada ee Geeska Afrika.

 

 

Qoraal lagu qoray bogga Wasaaradda arrimaha debadda ee Ingiriiska ayaa lagu sheegay in Safiirkooda Kate Foster, ayaa toddobaadkan booqasho ku timid magaalada Hargeysa si ay u xoogga u saarto  iskaashiga UK iyo Somaliland oo ay ku jiraan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta.

 

Kate Foster oo ka hadlaysay xafladii furitaanka waddada cusub oo isku xidhaysa Kaantaroolka Halleeya iyo Cusbitaalka Shifo ee magaalada Hargeysa ayaa sheegtay, “Waxaan ku hanweynahay in aan taageerno marinka Hargeysa, oo muhiim u ah marinka Berbera. mashruucan 240 km ah – oo aan la kaashanayo Abu Dhabi iyo la-hawlgalayaasha Yurub waxa la dhammaystiraya dabayaaqada sannadka soo socda,

 

Waddadan waxay hagaajin doontaa nolosha boqollaal kun oo qof iyadoo la abuurayo shaqooyin, lana furayo awoodda dhaqaale ee gobolka iyo in la fududeeyo keenista sahayda bani’aadamnimada”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dawladda UK uga mahadceliyey dadaal horumara ay ka gaysato dalka,“Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo Boqortooyada Ingiriiska iyo la-hawlgalayaasheeda doorka ay ku leeyihiin maal-gashiga kaabayaasha dhaqaalaha ee Somaliland” ayuu yidhi

 

 

 

 

Leave a Reply