Mawjado Dadweyne ah oo Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo ku soo…

0
411

Ceerigaabo (Dawan) -Kumannaan iyo kumannaan kamid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE, ayaa maanta magaalooyinka Kalmac, Kalsheekh, degmada Yufle iyo Ceerigaabo kusoo dhaweeyey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo xukuumadda iyo xisbiga katirsan oo safar shaqo ku jooga gobolka Sanaag.

Weftiga oo saaka ka ambobaxay magaalada Ceel-Afweyn, ayaa ugu horrayn si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaannada Kal-mac iyo Kalsheekh, halkaas oo ay ku qaabileen dadweyne tiro badan oo katirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, kuwaas oo lulaya caleemo qoyan iyo astaamaha gaarka ah ee xisbigu iska leeyahay, kuwaas oo ay wehelinayaan murrashaxiinta xisbiga ee uga sharraxan goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee kasoo jeeda deegaamadaas.

Degmada Yufle, ayey sidoo kale kaga wefiga ku qaabileen taageerayaal tiro badan oo xisbiga KULMIYE ahi, iyaga oo xubnaha weftiguna halkaas uga mahadnaqay dadweynaha soo dhaweeyey, kuwaas oo ay ka muuqatay farxad iyo taageero dhammaystiran oo ay hayaan hoggaaminta xisbiga KULMIYE.

Taageerayaal tiro badan oo ku dhaqan gudaha magaalada Ceerigaabo oo gaadiid tiro badan wata, islamarkaana ay hoggaaminayaan maamulka xisbiga ee gobolka Sanaag iyo murrashaxiinta xisbiga gobolka iyo degmooyinkiisa uga sharraxan, ayaa weftiga kaga hortegay dhinaca Galbeed magaalada, waxana ay usoo galbiyeen dhinaca gudaha magaalada Ceerigaabo oo ay kusoo wareejiyeen, waxana uu guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbigu halkaas kala hadlay taageerayaasha xisbiga, isaga uga mahadnaqay soo dhaweynta milgaha leh ee ay usoo sameeyeen.

Murrashax Maxamuud Warsame Jaamac oo kamid murrashaxiinta tartanka golaha wakiillada ee gobolka Sanaag ku meteli doona xibsiga KULMIYE, ayaa guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE guddoonsiiyey Sange ama faras uu ku sharfay, kaas oo uu guddoomiyuhuna ka mahadceliyey.

 

Leave a Reply