Barnaamijka Daawaynta Nafaqo Darida Oo Laga Daah-furay Laascaanood

0
557

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Waxaa maanta magaaladda Laascaanood laga daah-furay barnaamijka soo celinta nafaqadda iyo daawaynta ee Hooyadda iyo Dhalaanka.
Barnaamijkaasi waxaa fulinaysa haayadda AMPICAM, kaasoo lagu tababarayo shaqaalihii ka shaqayn lahaa.
Waxaana barnaamijkani maalgelinaysa haayadda UN OCHA ee qaramadda midoobay, sida uu sheegay isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool oo hadal ka jeediyay munaasibadii lagu daah-furayay mashruucaasi Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif.
Isku-duwaha ayaa soo dhaweeyay barnaamijkani oo uu tilmaamay mid waxtar weyn u leh bulshadda gobolka gaar ahaana hooyadda iyo dhalaanka.
Waxaanu uga mahad celiyay haayadda AMPICAM oo mashruucani fulinaysa iyo haayadda OCHA ee maalgelinaysa iyo sidoo kale ururka tababarka shaqaalaha bixinaya.
Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif, kula dar-daarmay shaqaalaha ka shaqaynaya barnaamijkani soo celinta nafaqadda hooyadda iyo dhalaanka in ay si daacadnimo leh u gutaan hawsha.
Maadaama oo dadka ay u shaqaynayaan ay yihiin kuwa ugu nugul bulshadda ee ah hooyadda iyo dhalaanka.
Waxaanu yidhi, “Waxaan rejaynayaa in si daacadnimo leh, oo bini’aadan-nimo leh, in aad ugu shaqaysan dadka aad u adeegaysaan. Weliba dadka aad u shaqaynaysaan waa dadkii ugu nuglaa bulshadda, oo ah Hooyooyinka iyo carruurta nafaqo daridu hayso”.
“Waan u mahad celinayaa haayadda AMPICAM oo mashruucani fulinaysa, iyo haayadda OCHA oo mashruucani maalgelinaysa iyo sidoo kale cida bixinaysa tababarka la siinayo shaqaalaha ka shaqaynaya mashruucani”ayuu yidhi Dr. Khaliif.
Mashruucani soo celinta nafaqadda hooyadda iyo dhalaanka ayaa ka fuli doona saddex xarumood ka tirsan degmadda Laascaanood iyo 24 degmooyin iyo tuullooyin isugu jira oo ka tirsan gobolka Sool.
Waxaana ka hawl geli doonna laba kooxood oo wareegi doona deegaamadda ka baxsan magaaladda Laascaanoo, kaasoo socon doona muddo 12 bilood ah.
Sida uu sheegay Khadar Maxamuud, oo ka tirsan masuuliyiinta haayadda AMPICAM oo hadal ka jeediyay munaasibadii lagu daah-furayay barnaamijkaasi.

Leave a Reply