Kulan Dhexmaray Culimadda iyo Maamuulka Gobolka Togdheer

0
665

Burco-(Dawan)-Gudida Nabad gelyada gobolka Togdheer ayaa kulan la qaatay culimo aw-diinka dagmada Burco.

 

Kulankaasi ayaa ku saabsanaa dhalinyarada maalmaha ciidda u baxda ama u safarta gobolada iyo meelaha ka baxsan magaalada iyo arrimaha doorashooyinka.

 

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd iyo meeyarka degmada Burco Maxamed Cabdiraxmaan Yuusuf Muraad ayaa waalidiinta faray in aanay ubadkooda u ogolaanin inay ka baxaan magaalada madaama la joojiyay maalmaha ciidda safarada.

 

Masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo degmada Burco ayaa intaa ku daray in aan la ogolayn wax kasta oo kasoo horjeeda dhaqanka iyo diinta suuban inay ku kacaan bulshadu maalmaha barakaysan ee ciidda.

 

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale Madaxweynaha JSL iyo Xisbiyada qaranka ku bogaadiyay sida loo soo koobay maalmaha loo qoondeeyay Ololaha doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiilada oo inagu soo dhaw.

 

Leave a Reply