Nidaamka Dimuquraadiyadu Waa Tiir ka mida Tiirarka Dhaqanka ee Reer Somaliland

0
554

Qore Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab)

Hargeysa (Dawan) Shacbiga ku abtirsada Jamhuuriyadda Somaliland, waa dad u bisil ku dhaqanka nidaamka Dimoqaadiyadda, waayo waa hannaan ay kusoo dhaqamayeen oo ay waayaha nololeed ee kala geddisan kusoo maareyn jireen tan iyo intay reer guuraanimada ku dhisneyd noloshoodu, waxaanu u ahaa, maanta u yahay nidaam ay khilaafaadka dhexdooda ku xalliyaan,maadaama uu aasaaskiisu yahay nidaam ku dhisan Caddaalad, sinnaan, eex la’aan, dood furan iyo kala gar qaadasho.

Nidaamkan ku dhaqankiisu oo aan ahayn mid qoran, balse haddana leh xeerarkiisa oo lagu dhammeyn jiray geed hoostii, wax kasta oo soo kala dhexgala bulshadeenii hore ee reer guuraaga ahayd, maantana waxan ku kala baxnaa sanaadiiq oo qof walba isagoo xor oo codkiisa ku dhiibto, kadibna sidii loo kala cod batana loogu kala guuleysto markay tahay tartan doorasho, hadday arrimo kale tahayna lagu kala calaf qaado Maxkamadaha oo ah kuwa darajooyinkooda kala sarreeyaan.

Somaliland oo caan-baxday nidaamka Dimoqraadiyada oo ah mid ku adag tahay badankooda, inay si sax ah u dabaqaan dalalka kale ee Afrika, maadaama aanu ahayn dhaqan ay kusoo barbaareen sida shacbiga reer Somaliland oo kale, ayaa waxa ka dhashay qalalaase siyaasadeed oo gaadhsiisan illaa heer dagaallo ay ku waayaan jiritaankoodii dawladnimo, isla markaana ku dhintaan, kuna barakacaan tobanaan ama boqollaal kun qof.

Xaaladahaasi waxa ay ka dhacaan inta badan dalalka dalalka Afrika qaarkood iyo kuwa Carabta oo illaa waqtigan aan joogno ay dalalkaas qaarkood, ay weli ka sii socdaan colaadaha ka dhashay Dimoqraadiyad la’aanta oo ay ku jirto Somaaliya oo haatan muddo ku dhaw sannad ku heshiin waayey qaabkii ay u qabsan lahaayeen doorashooyin dadban oo ah mid ka fog xor iyo xalaal, maadaama aanay dooreashadu ahayn tii saxda ahayd ee hal qof iyo hal cod.

Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo isku tashanaysa xag amni, dhaqaale iyo maamulba, waxay hore usoo qabsatay badan oo hal qof iyo hal cod ah oo u kala baxa, Saddex doorasho Madaxtooyo, laba doorasho oo Golayaasha Degaanka ah iyo hal doorasho oo ahaa Golaha Wakkillada, dhammaantoodna si nabad ah ayaa xilalka loola kala wareegay, iyadoo 31KA May oo ay ka hadhsan yihiin wax toddobaad ka yarna ay dadka reer Somaliland u dareerayaan laba doorasho oo isku sidkan oo kala ah Golayaasha Wakiillada iyo Degaanka oo sidii looga bartay ku soo kusoo dhammaan doonta Insha Allaahu si nabad ah.

Guud ahaan waxay Xukuumaddu hore usii diyaarisay dhammaan arrimaha la xidhiidha doorashooyinka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo ammaanka, haseyeeshee waxa sidoo kale waajib ku ah muwaadin kasta oo reer Somaliland ah inuu doorka kaga beegan ka qaato, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo wacyigelinta, waayo waxa ay leedahay Jamhuuriyadda Somaliland cadow badan oo siyaabo kala duwan uga shaqeeya isku dhilbaxeen aca bulshada dhexdeeda ama iska dhufashada Shacbiga iyo Xukuumaddooda, iyagoo adeegsanaya khiyaanooyin ku dhisan been abuur iyo kala shaki lagu soo dhextuuro bulshada oo ku lug leh doorashooyinka.

Sidaa awgeed, waxa lagama maarmaan ah inaan si isku duubni ah uga hortagno cadow kasta oo usoo xadhko qaata siduu u fashilin lahaa doorashooyinka oo ah kuwa muddo dheer la saadaalinayey inay mar uun qabsoomaan, siiba mida Golaha Wakiillada oo marka la soo hadal qaadaba uu cadowgeenu ku furi jiray tashwiish, isagoo ka faa’iideysanaya hadba halkaan u jilicsanahay oo ah Qabyaalada, haseyeeshee dabinnadii qabyaaladda ee la damacsanaa in lagu kala furfuro shacbigeena, laguna wiiqo jiritaankeena qaranimo waa iska fahamna, waxana lagu soo afjaray sidaan dhaqanka u lahayn wada tashi, isku tanaasul iyo in si wadar ah danta gaar ahaaneed ee reernimo meel layska dhigo, layskuna raacay wixii danta guud ahaa oo ahayd, in doorashooyinka Golayaasha Wakiilladu iyo Degaannadu si naxli la’aan u qabsoomaan 31ka May oo haatan maalmo ka hadhsan yihiin.

Doorasho waa tartan, haddii la tartamana lama wada guuleysto ee waxa la noqonayaa mid guuleysta iyo mid laga guuleysto oo ay waajib ku tahay inuu si xagxagasho la’aan ah u aqbalo natiijada kama dembeysta ah ee ka soo baxda komishanka doorashooyinka Qaranka oo ah kuwa ay mucaarid iyo muxaafidba isku raaceen inay garsoorayaal ka noqdaan doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland toddobada sanno ee soo fool leh,

Geesta kale dadka reer Somaliland waxa ay xor yihiin, in qof kastaa u codeeyo Musharraxa uu doono, sidoo kalana waxa uu Miusharrax kasta oo u tartamaya Golayaasha Wakiillada iyo Degaannadu u madaxbannaan yihiin inay dadka cod weydiistaan, haseahaatee waxa Musharraxa laga badiyo ku ceeb ah, in qofkii u codeeyey ee weliba u ololeeyey, inuu haddana marka laga guuleysto uu dadkii u codeeyey ku yidhaa, haddana aniga ii dagaallama isagoo ku xoqanaya magac qabiil, balse waxa nasiib wanaag ah in nacasnimada noocaas ah ee loo soo xidhay shaadhka qabyaaladda ay waqti hore ka ilbaxeen shacbigu shuguxshuguxdii ay danaystayaashu u ruxi jireen reeraha.

Markaa waxan u sheegaynaa dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan in laga digtoonaado shirqoollada cadowga oo uu kow ka yahay FARMAAJAHA qoorta iskaga maray Muqdisho iyo doorashooyinkii ka dhici lahaa sannadkii hore illaa imikana cunaha kaga duuban, kaas oo u arka guusha doorashooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland guuldarradiisa.

 

Leave a Reply