Laascaanood: Isu-soo-baxa Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee Maalinta Koowaad ee Ololaha Xisbiga

0
504

Laascaanood  (Dawan)- Kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sool, ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn ee gobolkaasi maalinta koowaad ee ololaha xisbul-xaakimka dalka.

Magaalada Laascaanood jamaahiir baaxad leh, ayaa cuddada taageeradooda ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo musharaxiinta uu u soo xulay ee u tartamaya Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka ku soo bandhigay fagaaraha Khayriyada magaaladaasi, waxaanna kala qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta, Guddoonka iyo maamulka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sool, Badhasaabka Sool iyo maamulka degmada Laascaanood, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay musharaxiinta xisbiga ee u loollamaya Golaha Wakiillada iyo golaha Degaanka, kuwaas oo astaamahooda, lambaradooda iyo sawirradooda oo lagu xardhay xisbiga KULMIYE ay ka babanayeen fagaaraha ay buux-dhaafiyeen taageerayaashu.

Leave a Reply