Saxaafadda Qaranka waxa ka Go’an inay ku shaqeyso xornimo iyo dhexdhexaadnimo

0
320

Qore: Faysal Maxamed Cabdi (Fadhfadhle)

Hargeysa (Dawan) Somaliland waxay leedahay Saxaafad kala duwan oo haysata Xoriyad buuxda oo dastuurku u damaanad qaaday, waxa Xukuumadihii Jamhuuriyadda Somaliland iska dambeeyey ay dedaal geliyeen inay kor u qaadaan madax-bannaanida Saxaafadda, taasi oo innaga dhigtay dalalka ugu horreeya Geeska Afrika ee waraahintoodu ku naaloonayso xornimo iyo madax-bannaani aan nusqaan lahayn.

Xukuumadda Somaliland oo ka duulaysa wacigelint ummadda reer Somaliland waxa ay tayaysan oo ay kor u qaaday tayada Warbaahinta Qaranka, si ay waajibaadkooda shaqo ugu gutaan si wax ku-ool ah.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, oo fulinaysa siyaasadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxa ay amar ku bixisay inay Warbaahinta Qaranku ay dhex u noqdaan xisbiyada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta JSL Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa sheegay in Warbaahinta Qaranku ay xil iyo masuuliyad weyn iska saarayaan sidii ay dhexdhexaad ah ugu tabin lahaayeen wararka xisbiyada qaranka xiligan oo lagu jiro ololihii doorashooyinka Baarlamaanka iyo Dawladaha Hoose.

Dhexdhexaadnimada warbaahinta qaranka ee ay xukuumadda Muuse Biixi dooratay waxa ay kor u qaadaysaa iimaanka iyo kalsoonida lagu qabo warbaahinta Qaranka oo dadka qaar u yaqaaneen mid xidh-xidhan oo dawladda uun baahisa siyaasadeeda.

Qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland ayaa si weyn u bogaadiyey dhexdhexaadnimada ay muujiyeen warbaahinta Qaranku muddadan uu socdo ololahan doorashada, taasi oo ah mid ay ka marag furi doonaan goobjoogeyaasha caalamiga ahi.

Saxaafadda gaarka loo leeyahay ee Somaliland noocyadooda kala duwan waxa horyaalla inay iyaguna waajibkooda ka soo dhallaalaan oo ay ku shaqeeyaan dhexdhexaadnimo,isla markaana ay masuuliyad iska saaraan sidii ay uga baaqsan lahaayeen inay warar malo-awaal ah shacbiga ku soo dhex tuuraan muddada ay socoto tirinta codbixinta doorashooyinka.

Sidaas darteed, waxa daruuri ah in isha kaliya ee wararka laga qaadanayo xiliga doorashadu ay noqoto Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Waxa kaloo lagama maarmaan ah in wadajir loo shaqeeyo oo laga digtoonaado in la iska ilaaliyo wixii dhaawacya nabadgelyada iyo wadajirka ummadda reer Somaliland. Iyadoo ciddii badisaaba ay tahay reer Somaliland.

Ugu dambeyn, waxa guud ahaan warbaahinta dalka xil ka saaran yahay inay sawir togan ka bixiso dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland oo ah mid ay kaga horreyno dawlado badan oo aqoonsi haysta oo ku yaalla dalalka dunida Saddexaad.

Sawirka Ruug caddaa saxaafaddeed Faysal Maxamed Cabdi (Fadhfadhle).

Leave a Reply