Weftigii Golaha Guurtida oo Gobollada Galbeedka ku Gaba-gabeeyay Wacyigelin arrimaha Nabadgelyada la xidhiidha

0
541

Dila (Dawan) Weftigii  golaha guurtida Somaliland ka tirsana ee gobollada galbeedka Somaliland ugu maqnaa wacyigelinta arrimaha nabadgelyada xilliga doorashada, ayaa  socdaalkoodii ku soo afmeeray degmada Dila iyo degaanada hoos yimaada ee gobolka Awdal.

Weftigan golaha guurtida ee loo diray gobollada galbeedka Somaliland ee uu hoggaaminayay guddoomiayaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida mudane Siciid Cabdillaahi Yasir, ayaa kulamo kala duwan la qaatay maamulka heer gobol iyo heer degmo ee degmada Dila, iyo qaar ka mida bulshaweynta degmada Dila iyo degaanada hoos yimaada iyaga oo faraqa ugu guntay hadalo u badna waano iyo wacyigelin la xidhiidha adkeynta nabadgelyada.

Guddoomiyaha gobolka Awdal mudane Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro, ayaa weftigii golaha guurtida ka codsaday in ay xukuumadda ka gaadhsiiyaan fariin nuxurkeedu ahaa sidii looga shaqeynlaha horumarinta degmada Dila, ee dhinacyada dhismaha iyo waliba dhaqaalaha, iyo sidii kor loogu qaadilaha darajada degmada Dila maadama ay tahay mid is bixinaysa waa sidu hadalka u dhige.

Dhanka kale qaar ka mida mudanayaasha golaha guurtida oo iyaguna la hadlay odayaasha iyo waxgaradka degmada Dila iyo degaanada hoos yimaada ayaa ku booriyay in dhallinyarada lagu wacyigeliyo in ay iska dhaafan wixii amniga degmada wax u dhimaya mudada lagu jiro doorashada iyo xilliga ololaha.

Sidoo kale taliyaha qaybta booliska ee degmada Dila Caydiid Cabdi Warfaa ayaa sheegay in ay bulshaweynta ku nool degmada Dila iyo degaanada hoos yimaada ay ololahooda doorahada kuwadaan nabadgelyo isla markaana ay rajeynayaan in ay nabadgelyo ugu dhamaato.

Guddoomiyaha gobolka Awdal mudane Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro, ayaa weftigii golaha guurtida ka codsaday in ay xukuumadda ka gaadhsiiyaan fariin nuxurkeedu ahaa sidii looga shaqeynlaha horumarinta degmada Dila, ee dhinacyada dhismaha iyo waliba dhaqaalaha, iyo sidii kor loogu qaadilaha darajada degmada Dila maadama ay tahay mid is bixinaysa waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya. “Ujeedada weftiga golaha guurtida Somaliland ka socda waxaa ay innoogu yimaadeen, waxaanu nidhi waar halke magaalo innoogu dhaw oo Dila ayaanu nidhi, magaalooyinkii gobolka Awdal hoos imanayay waxaa aanu ka dooranay Dila, magaalada Dili intii 1988 ka danbaysay hoos ayay u noqotay, dawladduna waxaa ay balan qaaday in wax badan laga qaban doono, gacanta dawladu waxaa aad mooda inay weli Dila ka dhiman tahay, fariintaasi waad geynaysaan waxqabadka Dila dib haloo eego ayaad leedihiin fariintaa waad naga qaadaysaan.

Degmada Dili 23-kii degma doorasho ee Somaliland lahayd ayay ku jirtay Dili, nasiib darada dhacday kaligeed may noqon ee toddoba ka mid ah ayaa darajada D laga dhigay marka arrinta qadiyada Dili waa ay noo taagan tahay, waanay ka wada da’weyn tahay degmooyinka kale oo dhan Maydh mooyaane,  arrintaasi waxaa aanu doonayna wasiirka arrimaha gudaha Somaliland in aad kala hadashaan, sababto ah baaxad ahaan waa degmo weyn Dili, bulsho ahaana waa degmo weyn, dhaqaale ahaana waa degmo is bixisa, saddexda haddii ay leedahayna in kuwa la kabbo lagu daro maaha arrintaasina horena waanu ugudbisanay madaxweynahana waanu ka balan sanahay marka imika doorashada laga baxo, hase ahaate ka gole guurti ahaan weftigiinan waxa aanu uga baahanahay xoojin oo arrinta Dila dib haloo eego aad tidhaahaan degmooyinka la qadiyad maahe, xadbay ku taala waa magaalo istaaratiiji ah, oo aad tidhaahan waar sidan haloo dhaamo Dila xag dhisme iyo xag dhaqaaleba”

Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland, mudane Siciid Cabdillaahi Yasir ayaa sheegay in ay bulshada reer Dila marti uga yihiin ilaalinta nabadgelyada waxaanu yidhi. “Maamulka oo guddoomiyaha degmadu ugu horeeyo waanu uga mahad celinayna soo dhaweynta.

Imika marxalad doorasho ayaynu galay, aad xasaasi u ah dareenkeedana leh, haddii aan la digtoonaan ama aan dadaal la muujin ama wacyiga bulshada ee dhanka nabadgelyada kor loo qaadin waxaa ka iman karta dhibaato, fariinta aanu idiin sidno iyo baraarujinta aanu maanta halkan idiinku nimid ee aanu gobolka oo dhan marti uga nahay waa in aanu nidhaahno waar ka kacay oo ha fudeydsanina sababto ah doorashooyinkii hore ee aynu geli jirnay waa ka badalan tahay, marka waxa aanu idin farayna dhallinyarada in la dejiyo oo wacyigooda nabada kor loo qaado oo lagu waaniyo inay iska dhaafaan ficiltanka iyo wixii nabadgelyada wax u dhimaya”

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Buddeeye ayaa faraqa ugu guntay bulshaweynta degmada Dila iyo degaanada hoos yimaada hadalo waano iyo dardaaran isugu jira waxaanu yidhi. “Dadka innaga soo horjeeday in ay cashar u noqoto doorashada ay Somaliland qabsatay, ee ay wanaaga uga shaqeysay ILLAAHEY-na ula kaashadeen, dadkuna ma soo wada baxayaan waynu og nahay oo waxa inoo soo baxaya waa tiro yar, marka waxaa loo baahan yahay kii hadhayna sidii aynu ugu qancin lahayn in uu hadhay kii soo baxayna aynu ugu ducayn lahayn ee aynu u odhan lahayn waar Qaranka iyo ummada u shaqee uunba la doonaya in aynu ku wacyigelino ummada, hadda oo ay wacyigelintu socoto iyo maalinta ay doorashadu dhacaysaba, marka walaalayaal ayn nabadgelyada wada ilaashano”

Xildhibaan Axmed Nuur Ugaaska oo ka mida mudanayaasha golaha guurtida ee gobollada galbeedka Somaliland u tagay sidii bulshada kor loogu qaadilahaa wacyigooda ku aadan arrimaha nabadgelyada ee xilliga doorashada ayaa yidhi. “Dimuquraadiyadii waxaa ay keentay in dadkeeni iyo qabiilooyinkeeni ay timaha isugu xidho, oo jufadii hoose laba ilmaadeera, laba walaalo ah wixii oo dhan ayaa wada tartamaya, colaad badan ayaa timid, nacayb faro badan ayaa yimid, kala qoqobnaan ayaa timid, haddana doorashaadii in aynaan isku nicin, marka arrintaasi foojignaanteeda iyo wacyigelinteeda iyo ka hortageeda iyo in daqiiqad walba aynu hegan u ahaano wixii doorashada ka yimaada ayaa mihiima”

Guddoomiyaha degmada Dila ee gobolka Awdal mudane Cismaan Axmed ayaa sheegay in ay garab uga baahan yihiin weftiga golaha guurtida ee degmada Dila iyo degaanada hoos yimaada ka waday wacyigelinta nabadgelyada ee xilliga doorashada, isaga oo xusay in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto sidii dib loogu heli lahaa derajadii degmada Dili ay lahayd waxaanu yidhi. “Guddoomiyaha gobolka Awdal mudada uu xilka hayay wax badan ayuu ka qabtay arrimaha nabadgelyada ee degmada iyo gobolkaba, waanu idinka qaadanay wacyigelinta aad noo wadeen, balse waxaa aad nagala hawl gashaan sidii darajada degmada Dilli ay leedahay aad noola soo celin lahaydeen”

Leave a Reply