Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo xafiiskiisa ku qaabilay qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka.

0
515

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka, oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Sakariye Axmed Muxumed, oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan Ururka SOLJA, hogaanka Ururka saxafiyiinta haweenka ee WIJA iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta warbaahinta madaxa bannaan iyo kuwa dawladda.

Ugu horayn guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa xubnaha warbixin ka siiyay marxaladda dalku ku jiro ee doorashada iyo doorka warbaahinta dalku ka qaadan karto geedi-socodka hawlaha doorashada ilaa laga gaadhayo ku dhawaaqida natiijada doorashada ee kama dambaynta ah. Guddoomiyuhu waxa uu xubnaha sharaxaad ka siiyay, xeerka doorashada iyo doorka hay’addaha kala duwan ee dalka, oo ay ka mid tahay warbaahintu kaga jiraan, hab-sami-u-socodka doorashada. Waxaanu u ballan qaaday in hay’adda garsoorku diyaar u tahay wixii warbixin ah ee ay uga baahdaan warbaahinta maxaliga ahi, haddii ay maxkamadaha soo gaadhaan cabasho ama dacwad la xidhiidha doorashada, kolba halka ay wax marayaan.

Guddoomiyaha ayaa xusay doorka warbaahinta dalku kaga jirto nabada iyo xasiloonida, in ay tahay mid wadaniyad, dal-jacayl iyo masuuliyadi ku lammaan tahay, oo u baahan in lagu abaal-mariyo. Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu xubnaha shirka ka soo qayb galay ku booriyay in ay taxadar dheeraad ah, la yimaadaan beri oo doorashadii ah ilaa inta natiijada lagu dhawaaqayo, kana dheeraadaan in ay bulshada u sii daayaan wararka ku-tiri-ku-teenka ah iyo natiijooyin hordhac ah oo ay baahiyaan.

Geesta kale guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Sakariye Axmed Muxumed ayaa guddoomiyaha uga mahad-celiyay doorka shariifka ah ee uu kaga jiro hab-sami-u-socodka doorashada, waxaanu la wadaagay duruufaha iyo waayaha ku gadaaman warbaahinta dalka, isagoo xusay in warbaahintu ay geestooda kaga jiraan hal-ganka iyo tabinta warar bulshada u horseedaya horumarinta dalka, iyagoo ka dheeraanaya wararka aan la hubin ee waxyeellada keeni kara ilaa inta natiijada doorashada lagu dhawaaqayo, haddii ay cabashooyin jiraana la soo af-jarayo.

Guddoomiyaha SOLJA ayaa xusay baahida ay warbaahintu u qabto in ay helaan ilo-wareedyo ku haboon xiligan doorashada, si ay bulshada ugu gudbiyaan dhacdooyinka dalka ka socda, waxaanu hoosta ka xariiqay in aanay jirin wariye ama warbaahin u xidhan dhacdo-wareed la xidhiidha doorashada, taasi oo uu xusay in ay ku timid wanaaga iyo wadaniyada warbaahinta dalka.

Leave a Reply