Madaxweynaha iyo Masuuliyinta Xisbiyada oo Kormeeray Goobaha Doorashada

0
505

HARGEYSA —(Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Mas’uuliyiinta xisbiyada  ayaa shalay codadkooda ka dhiibtay doorashadda isku-sidkan ee ay dadku kusoo dooranayaan xildhibaannada baarlamaanka iyo kuwa golayaasha degaanka.

 

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Hoggamiyayaasha Xisbiyida Waddani iyo UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Eng Faysal Cali Xuseen ayaa codkooda ka dhiibtay xarunta ha’yadda shaqaalaha dawladda waxaanay soo kormeereen goobaha ay dadweyuhu safafka dhaadheer ugu jireen si ay codkooda u siiyaan qofka ku metelaaya golaha wakiillada iyo degaanka , iyaga oo shacabka ugu baaqeen in ay ammaanka ilaaliyaan

 

“Waa laba doorasho oo muhiim, waxa aad inoo soo eegaysa dunida , warbaahinta ugu waaweyn dunida waxa ay kusoo jeedaan Somaliland, natiijo wanaagsan iyo doorasho horumar leh ayaa dhacaysa insha alla” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa sheegay in beesha caalamku ay danaynayso Jamhuuriyadda Somaliland , waxana uu yidhi “waxa ina danaynaaya dunidii iyo beesha caalamka , safiiro badan ayaa jooga taa macnaheedu waxa weeye waa la danaynayaa Somaliland maanta”

Faysal Cali Xuseen , guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in geeska aanay weli ka dhicin doorasho xor iyo xalaal ah oo la mid ah kuwa Somaliland ka dhaca , waxana uu yidhi “geeska aynu ku nool nahay meel ay doorasho nidaam ahi ka dhacayso teena (Somaliland) ayaa jirta . inagu doorasho been abuur ah ma samayno ee doorasho xor iyo xalaal ah ayeynu samaynayaa “

In ka badan 1 milyan oo qof ayaa is diiwanageliyey si ay uga qaybqaataan codbixintan. Waxaanay guddiga doorashadu sheegeen inay jiraan in ka badan 2,700 goobood oo laga codayn doono.

Goobjoogayaal caalami ah ayaa ku sugan gobollada Somaliland kuwaasi oo tiradoodu tahay 103 xubnood oo ka kala socda Yurub iyo Afrika.

 

 

Leave a Reply