Somaliland: Goobaha Cod-bixinta oo saaka loo Dareeray

0
516

Hargeysa (Dawan) Saaka waxaa saaka magaalada Hargeysa loo dareeray goobaha codbixinta doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha wakiillada iyo degaanka.

Dadka ayaa saaka soo kalahay hiirtii waaberi, iyada oo xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ay dadku safka ku jireen markii salaada subax laga soo baxay, halkan oo ah xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland.

Dadka qaar oo aanu makarafoonka la dhexmarnay waxa ay sheegeen in doorashani Somaliland uga dhigan tahay mid soo dadejin karta aqoonsiga ay beesha caalamka ka sugaysay.

Xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland oo ah goobta aan hadda ku suganahay dadku aadbay ugu faraxsanaayeen doorashada ALLE ku simay ee ay saaka u dareereen.

 

 

Leave a Reply