Hargeysa: Musharax Hadhay oo Bogaadiyay Natiijada Doorashada

0
489

Hargeysa (Dawan)- Khadar Maxamed Muxumed Khadar (Qoorgaab) oo ka mid ahaa Musharaxiintii ka sharaxnaa Caasimada Hargeysa ee aan soo bixin ayaa soo dhaweeyay Natiijadii Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqay ee Golaha Deegaanka Hargeysa.

Khadar Maxamed Muxumed Khadar Qoorgaab ayaa waxa uu u mahadnaqay dadkii u codeeyay iyo dadkii aan u codaynba, waxaanu ku ammaanay Komishanka Doorashooyinka qabashadii Doorashooyinka.

Waxaanu u dhignaa sidan qoraal uu soo saaray oo ku aqbalay Natiijadii ay soo saareen Komishanka Doorashooyinka.”Marka Koowaad waxa mahad oo dhami u sugnaatay ILLAAHAY oo inoo suura galiyey in ay inoo qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah,mar labaadka waxaan u mahadnaqayaa Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi qaran iyo gudida doorashooyinka Qaranka Somaliland, oo ku dhiiraday inay fududeeyaan hawsha doorashooyinkii isku sidkanaa.waxa kale oo aan u mahadnaqayaa “Cuqaashii Culimadii aqoonyahankii dhalinyaradii iyo Haweenwaynihii deegaankii aan ka tartamayey ee ii cumaamaday in aan ku matalo tartankaas,”.

Khadar Qoorgaab oo qoraalkiisa sii wata,ayaa yidhi “Waxa aan boogaadin u dirayaa Taageerayaashaydii gudaha iyo dibeddaba ha, ugu mudnaadeen kuwii nasiibka u helay inay ii codeeyaan, iiguna samray bacadkii iyo daalkii maalintii doorashada.Sunnaha Nolosha ayay tahay in qofku hadduu tartan galo inuu fisho guul iyo guul daraba.

Waxaanan ku qancay natiijadii doorashada anoo faraxsan nasiibkii iiga soo baxay sanduuqii codaynta.waxaan hambalyaynayaa dhammaan xubnaha 17 ka ah ee ALLE u calfay inay noqdaan, xubnaha Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa anoo ILLAAHAY uga baryaya inuu u fududeeyo xilkaas culus ee loo igmaday.

Waxaan dardaaran u marinayaa bulshadaydii ii codaynaysay iyo kuwii iga codeeyeyba inay ilaashadaan Midnimadooda iyo wada jirkooda. Caqabad kasta iyo xanaf wiixi ay doorashadu innagaga tagtayba inaynu si miyir qabta iskula eegno, si aynu doorashooyinka dambe ee soo socda uga tabaabushaysano,”.

Leave a Reply