Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo mudanayaasha Golahaasi ka dalbaday in ay meelmariyaan xeerar kala duwan oo golahaasi horyaala.

0
348

Hargeysa (Dawan)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudanayaasha Golahaasi ka dalbaday in ay meelmariyaan xeerar kala duwan oo golahaasi horyaala.

Fadhigii maanta ee golaha guurtida Somaliland oo uu shirgudoominaayey guddoomiyaha golahaasi Md. -Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa golaha u soo jeediyey in xil iska saaraan sidii loo ansixin lahaa xeerarkii uga soo gudbay golaha wakiillada ee waqtigoodii dhammaaday.

Guddoomiye Saleebaan wuxuu xildhibaannada faray inay soo akhriyaan ajandaha kalfadhiga 75aad si ay maalinta Sabtida ah ee fooda innagu soo haysa ay u ansixiyaan.

Leave a Reply