Xildhibaan Buubaa oo ka mid ah Golaha wakiilada ee hore ayaa boggaadiyay doorashooyinkii isku lamaana ee ka qabsoomay Dalka

0
417

Hargeysa (Dawan)  Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka mida xildhibaanada golaha wakiillada ee wakhtigoodu dhamaaday oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa boggaadiyay doorashooyinkii isku lamaana ee ka qabsoomay dalka 31 May.

Xildhibaanka ayaa doorashadaasi ku tilmaamay mid guul u soo hoysay Qaranka Somaliland isla markaana lacagta ku baxday doorashadaasi iyo culuskii ay lahayd labada doorasho ee isku sidkan ay Somaliland dhabarka u ridatay ALLENA ku guuleeyay, isaga oo si gaara ugu mahadnaqay madaxweynaha Qaranka, guddiga doorashooyinka, ciidamadda booliska, shaqaalihii ka qayb qaatay iyo shacabka Somaliland.

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa sheegay in dadka reer Somaliland doorashada u galeen si qiimo leh balse aan xiligan loo baahnayn in tacabkii shacabka hab-qabyaaladeed loogu beddelin baraha bulshada isaga oo sheegay in mudanayaashii guulaystay ee deegaanka iyo wakiillada lagu dhaarinaayo in si cadaalad ah ay ugu shaqaynayaan qarankooda iyo degaanadooda balse aanay meteli doonin qabiil iyo cid gaar ah oo soo dooratay.

Leave a Reply