Komishanka Doorashooyinka oo u gudbiyey Maxkamadda sare Natiijada Hordhaca ah ee Doorashada

0
414
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda JSL garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta kala wareegay natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiillada, Guddida Doorashooyinka Qaranka oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddidaasi Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac).
Sida xeerku uu tilmaamayo waxa ay maxkamaddu hubinaysaa in wax cabashooyin ah oo xeerka waafaqsani ay jiraan, inta aanay Maxkamadda Sare ku dhawaaqin go’aanka rasmiga ah ee ay ku ansixinayso natiijada kama dambaynta ah ee doorashada golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaa daraadeed waxa ay maxkamaddu qaadi doontaa wixii talaabo sharci ah ee la xidhiidha arrimahaasi.
Geesta kale guddida doorashooyinku waxa ay u soo gudbiyeen 20 degmo doorasho natiijadoodii hordhaca ahayd, taasi oo ay hore ugu gudbiyeen guddida doorashooyinka heer degmo Maxkamaddaha gobolada dalka
Halkan ka Daawo Muuqaal

Leave a Reply