Wargeyska Addis Standard oo Warbixin ka Qoray Doorashadii Somaliland iyo Xidhiidhka ay la Leedahay Itoobiya

0
479

Hargeysa(Dawan)-Wargeyska Addis Standard oo ee dalka Itoobiya ayaa warbixin  ka qoray Doorashadii Toddobaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoontay 31kii May 2021 ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay falanqeyn dheer oo uu doorashooyinka Somaliland ka qoray  Addis Standard, waxaanu ku sifeeyey kuwo u qabsoomay hannaan  dimuqraadi ah oo saddexda xisbi Qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI ay ku loolameen doorashooyinka muddo dhaafay Golaha Wakiillada iyo deegaanka.

Wargeysku wuxuu daabacay  in saddexda xisbi qaranba ay doonayaan inay kor u sii qaadaan cilaaqaadka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland uu yahay mid soo jireen ah, waxaanu xaqiijiyey  inuu labada dal ka dhexeeyo heshiis dhinaca amniga ah iyo mid ku wajahan isdhexgalka dhaqaalaha.

Wasiir Liibaan Yuusuf wuxuu ku dooday in nabadgelyada iyo dimuqraadiyada ka hirgashay Somaliland ay soo jiidan doonto maalgashiga caalamiga ah oo soo dedejin doona aqoonsi ay JSL ka hesho beesha caalamka.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa u sheegay Addis Standard in Itoobiya tahay dalka ugu weyn ee iskaashigu ka dhexeeyo, isla markaana cilaaqaadka labada dal soo taxnaa ilaa 199kii.

Guddoomiye Cirro wuxuu intaas ku daray  in siyaasadda xisbigiisu la xidhiidho sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya xataa marka uu dhammaado mashruuca dekedda Berbera.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa geestiisa sheegay inuu danaynayo in la sii xoojiyo wax wada qabsiga Somaliland iyo Itoobiya. Waxa kaloo uu xusay inay doonayaan inay Somaliland xidhiidh wanaagsan la yeelato qaaradda Afrika oo dhan.

Waxa kaloo Guddoomiyeyaasha  WADDANI iyo UCID ay xaqiijiyeen inay doonayaan in la joojiyo wada hadallada ay Somaliland la yeelatay Soomaaliya waxaanay ku sifeeyeen dal guul daraystay.

Leave a Reply