Hoggaanka Xisbiga Waddani oo Kulan la qaatay Xildhibaannada Wakiillada ugasoo Baxay

0
336

Hargeysa-(Dawan)- Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa maanta kulan qado sharaf iyo wadatashi ah Hotel-ka Ambasadoor kula qaatay Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Xisbiga WADDANI ka soo baxay.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Musharraxa Madaxweyne Xigeen Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, Guddoomiyaha KMG Mudane Cabdiqaadir Jirde, hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Masuuliyiin oo ay ka mid yihiin mudaneyaasha xilka wareejinaya ayaa xog warran mug weyn oo ku aaddan waayo aragnimadooda shaqada Golaha Wakiillada siiyay mudaneyaasha cusub.

Sida oo kalena waxa lagula dardaarmay mudaneyaasha sidii ay uga dhabayn lahaayeen waxyaabaha bulshada Somaliland ka filayso ee ay Qaranka ugu igman yihiin iyo sidii ay ugu adkaan lahaayeen siyaasadda Xisbiga WADDANI ee ay ka soo baxeen, islamarkaana xoogga u saari lahaayeen sidii Isbahaysiga Mucaaradku ugu guulaysan lahaa shir guddoonka Golaha Wakiillada.

Mudaneyaasha ayaa dhankooda ka hadlay qorshahooda iyo sida ay uga go’an tahay taabbo-gelinta masuuliyadda loo igmaday.

 

Leave a Reply