Magaalada Hargeysa oo lagu Qabtay Daahfurka  Daraasad lagu Qiimaynayo adeegayada Dawladda

0
369

Hargeysa (Dawan) Xubno kamida golaha wasiirada Somaliland  oo ka qayb galay daraasad lagu qiimaynayo adeegyada ay bixiyan hay,adda dawladdu.

Munaasabadan oo lagu daah-furayo qiimayn lagu samaynayo adeeyada wasaaradaha iyo hay’addaha dawladda ayaa shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirrada wasaaradaha maaliyadda, biyaha, shaqo-gelinta, deegaanka, madaxda hay’adda shaqaalaha, guddoomiyaha hay’adda tayada, guddoomiyaha hay’adda maamul-wanaaga, masuuliyiinta rugta ganacsiga iyo hawl-wadeeno laga soo xulay wasaaradaha, hay’adaha madaxa bannaan iyo jaamacadaha dalka.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, mudane Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay in daraasadda lagu bar-tilmaameedsan doono saddex qodob,kuwaas oo kala ah, Qiimaynta adeegga la bixinayo, si ay u fududaato isla-xisaabtanka iyo daah-furnaantu, hogaaminta maamul iyo hal-abuurka iyo casriyaynta adeegyada maamulka.

Sidoo kale waxa kale oo uu guddoomiyuhu sheegay in marka ay soo dhamaato daraasaddani ay ka dhalan doonaan tallaabooyin taabanaya nidaamka shaqo ee wasaaradaha iyo hay’addaha dawladda, iyada oo dib-u-habayn iyo casriyayn lagu samayn doono laamaha dawladda.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, mudane Sacad Cali Shire, waxaa uu sheegay in dawladda iyo dadweynaha uu ka dhexeeyo heshiis, kaas oo ah in ay dadweynuhu cashuurta bixiyaan isla markaana dhanka dawladdana laga helo adeegyada xaqa loogu leeyahay.

Guddoomiye Farxaan oo ugu horayn goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi. “Hay’adda shaqaalaha dawladdu iyada oo kaashanaysa hay’addaha kale ee dawladda ee shaqa wadaagu ka dhaxeeyo sida wasaaradda maaliyada iyo hay’adda maamul wanaaga iyo wasaaraddaha kale waxaa muddo sannado ah la waday dib u habaynta iyo dib u qaabaynta hay’addaha dawladda.

Sideedi wasaaraddood ee ugu danbeeyay ayaa hadda gacanta lagu hayaa qaab dhismeedkooda iyo hawl qabadyadooda, si qofkasta oo wasaaraddaha dhex jooga shaqo qabad u yeesho.

Waxaan jeclahay in daraasadani marka ay inoo dhammeystiranto waxa innooga soo baxa nuxurkeedu noqdo wax macno inoo sameynaya, oo dib u qaabayn iyo dib u habayn aynu ku sameyn karno habka aynu adeegeena u bixinayno”

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda mudane Sacad Cali Shire oo isna goobtaasi hadal kooban ka jeediyay waxaa uu yidhi. “In la is qiimeeya waa mihiim heer wasaaraddeed, heer waaxeed, heer Qaran intaba aynu is qiimayno waa qodob aad iyo aad u mihiima.

Dawladda iyo dadka waxa ka dhaxeeya heshiis,  heshiiskaasi waxaa weeyi dadku inay bixiyaan cashuurta dawladduna cashuurta la bixiyay in ay ugu baddesho adeeg, addeega ugu horeeya waaka amniga, abniga muwaadiniinta ay sugto isla markaana ay u fidiso adeegyada bulshada, sida waxbarashada caafimaadka, biyaha,  inay ka hawl gasho oo sameyso kaabayaasha loo baahan yahay, kobcinta dhaqaalaha, inay ilaaliso degaana, intaasiba waa adeegyo loo baahan yahay in dawladu u fidiso dadweynaha cashuur bixiyayaasha ah.

Xilka iyaga saarani waxaa weeyi in ay iyaga tabbabaaraan oo marka daraasadu dhammaato aynaan la hadhin warbixin kaliya oo ku qoran warqad balse inay noo hadho farsamo”

 

Leave a Reply