SOLJA oo Hargeysa ku qabtay kulan ku saabsan dhibaatada  Xeerka Ciqaabtu ku hayo Saxaafadda

0
353

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa soo qabanqaabiyey aqoon is waydaarsi lagaga arrinsanayey sidii meesha looga saari lahaa u adeegsiga Xeerka ciqaabta guud ee Kiisaska Saxaafadda.
Suxufiyiinta Somaliland, ayaa tobanaankii sannadood ee la soo dhaafay la kulmayey kiisas dacwaddeed oo lagu oogo Xeerka Ciqaabta guud, taasoo ay kala kulmaan xadhig iyo ciqaab ka culus dambiyeynta mihnadooda.
Kulan aqooneedka SOLJA qabatay oo hal maalin ka socday Magaalada Hargeysa, ayaa waxa kale oo lagu lafoguray sidii ay Suxufiyiintu door uga qaadan lahaayeen dhaqaajinta iyo socodsiinta Dacwad Ururku u gudbiyey Maxkamadda Dastuuriga ah, taasoo ah Dacwad dastuuri ah oo nuxurkeedu yahay  in Kiisaska la xidhiidha mihmada saxaafadda aan aan loo adeegsan Xeerka ciqaabta.
Kulanka waxa furay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Guddoomiyaha Ururka Solja Sakariye Axmed Muxumed, waxaana ka qaybgalay in ka badan soddon Suxufi oo ka socday qaybaha warbaahinta, kuwaasoo afkaar kala duwan ka soo jeediyey qaabka lagaga gudbi karo caqabada ku gedaaman xoriyadda Saxaafadda iyo hadalka.
Agaasimaha Ururka SOLJA Ilyaas Cabdilaahi oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aqoon-iswaydaarsigani bilow u yahay qorshe la doonayo in meesha lagaga saaro xeer-ciqaabeedka Hay’addaha garsoorku u isticmaalaan Dacwadaha Suxufiyiinta, waxaanu sharaxaad ka bixiyey talaabooyin arrintaasi la xidhiidha oo la qaaday shantii sannadood ee la soo dhaafay.
Guddoomiyaha Ururka Solja Sakariye Axmed Muxumed ayaa dhankiisa sheegay inay dedaal ugu jiraan sidii loo dhaqaajin lahaa xeerka Saxaafadda oo wax-ka-bedel iyo Kaabis lagu sameeyey.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Maxamed Yusuf Ismaaciil, ayaa sheegay inay wasaaraddu diyaar u tahay inay doorka kaga Aaddan ka qaafanayso, isla markaana ay dabada ka riixayso Xeerka Saxaafadda.
Suxufiyiinta ka qaybgalay kulan-aqooneedka, ayaa soo jeediyey in la dhaqan-geliyo go’aankii ay Maxkamadda sare ee JSL 2015-kii ku joojisay in habka ciqaabta loo maro Dacwaha saxaafadda, taasoo ahayd talaabo ay soo dhaweeyeen saxaafadda iyo daneeyayaasha kale ee madaxbanaaanida Saxaafaddu, hase yeeshee aan dhaqan ka dhaqan-gelin Xafiisyada laamaha garsoorka iyo nabad-gelyada.

Waxa kale oo ay ka qaybgaleyaashu soo jeediyeen in haddii qaraarka Maxkamadda laga dhego-adaygay inay Maxkamadda sare deg deg u furto Dacwada Dastuuriga ah ee ay Ururka SOLJA ka gudbiyeen adeegsiga Xeerka Ciqaabta guud, dacwadaasoo muddo sannado ah Maxkamadda hortaallay. sidoo kalena Golaha Wakiillada ee cusub ayey ka dalbadeen inay ahmiyad siiyaan dhamaystirka xeerka Saxaafadda ee golihii hore kaga tegay qabyada.

Leave a Reply